Maxay Wadaagaan Hoggaamiyaha Jabhada Tahrir al-Sham Ee Al-Julani Iyo Hoggaamiyihii ISIS Ee Abu Bakar al-Baghdadi?

#Araweelo _News_Network

Aleppo (ANN)-Xiisaadda gobolka Bariga dhexe waxa sii kordhisay collaada kasoo cusboonaatay dalka Suuriya, iyadoo Saddex maalmood gudahood, dagaalyahannada mucaaradku qabsadeen magaalada labaad ee ugu weyn Suuriya, Xalab oo loo yaqaan (Aleppo).

Su’aalo baddan ayaa ka dhashay Qabsashada Aleppo, taas oo timi ka dib markii ay si lama filaan ah u uga baxeen halkaa ciidamada dowladda ee daacadda u ah madaxweyne Bashar al-Assad.

Sidoo kale, waxa is diidooyin iyo dareen weyn ku xeeran yahay kooxda qabsatay iyo taariikhda hoggamiyaha kooxda iyo ujeedada laga leeyahay, ama cidda ka danbaysa.

Warbixinaha Xalab ee la xidhiidha weerarka ayaa sheegaya in  uu  hoggaaminayay Abu Mohammed al-Julani, oo u taagan madaxa jabhada Hayat Tahrir al-Sham (HTS), kooxdan oo noqotay kooxda ugu awoodda badan mucaaradka hubaysan ee Suuriya oo dhawr kooxood ah, isla markaana sheegata innay yihiin kuwo u dagaalamaya Suniyiinta Suuriya, wallow sannado ka hor la jebiyay, iyadoo ay taageerayeen Maraykanka, Israel iyo dalalka Khaliijka.

Hase yeeshee sawirkiisa oo lagu faafiyay shabakaddaha Online isniintii, ayaa la sheegay in al-Julani lagu dilay weerar uu Ruushku qaaday, warkaas oo si degdeg ah loo beeniyay markii sawirka la helay. waxaana weerarka lagu macneeyay dhankooda inuu hordhac u yahay in ciidamadiisu ay doonayaan in ay xoojiyaan gacan ku heynta Xalab oo ay qabsadaan dhul badan oo Suuriya ka tirsan.

Xilligan la joogo Asaasiha Jabhada Tahrir al-Sham (HTS), al-Julani waxa uu ku dhawaad ​​toban sano doonayay in uu iska fogeeyo ciidamada kale ee hubaysan iyo diiradda ay saarayaan hawlgallada caalamiga ah, isaga oo taa beddelkeeda u beddelay in uu diiradda saaro abuuritaanka, wuxuu ku macneeyay”Jamhuuriyadda Islaamka” ee Suuriya.

Tan iyo 2016, waxa uu sheegayay in kooxdiisa uu ka dhigayay kuwo lagu kalsoonaan karo oo ilaalinaya Suuriya, isla markaana hadafkoodu yahay in laga xoreeyao Al-Assad, iyagoo ku doodaya inuu si arxan darro ah u cabudhiyay kacdoonka dadweynaha intii lagu jiray kacdoonkii Carabta ee 2011, taas oo horseeday dagaal socday sanado, balse lagaga guulaystay kooxahaa oo dad arrimaha gobolka la socdaa u arkayeen kuwo la doonayo in lagaga jawaabo guuldaradii dagaalkii 2006, ee Israel  iyo Xizbullaah, si markaa meesha looga saaro maamulka Al-Assad oo ahmiyad weyn joogitaankiisu u leeyahay Iran, ruushka, Xizbullaah iyo xamaas.

Kooxdu waxay maamulaysay gobolka Idlib iyada oo loo sii marayo Xukuumadda Badbaadinta Suuriya, taas oo ay dhistay 2017,  si ay u bixiso adeegyada madaniga ah, waxbarashadda, daryeelka caafimaadka, garsoorka iyo kaabayaasha iyo sidoo kale maaraynta dhaqaallaha iyo qaybinta gargaarka.

Si kastaba ha ahaatee, Kooxda HTS waxay ku xukuntaa deegaanka gacan bir ah, isla markaana  umma dulqaadato kuwa aragtidooda iyo xukunkooda dhaliila, waxayna kaga jawaabaan diidmada gacan bir ah,  sida ay qabaan dhaqdhaqaaqayaasha, warbixinnada wararka iyo kormeerayaasha maxalliga ah.

Sidoo kale, Ururka saxafiyiinta madaxa banaan ee Syria Direct ayaa ku waramaya in Kooxda HTS ay ka danbeeyeen waayitaanka la waayay meel ay jaan iyo cidhdib dhigeen dadka u ololeeya isla markaana ay rasaas nool la dhaceen dibad baxayaasha oo kooxda ku eedeeyay in ay u diideen adeegyada bulshooyinka kasoo horjeeda.

Axmed Xuseen Al-Sharaa, (Abu Maxamed Al-julani) waa hoggaamiyaha kooxda Jabhada qabsatay Aleppo, wuxuu hore u ahaa hoggaamiyaha Maraykanku u xilsaaray aasaasidda garabka ee Al-Qaacida ee Suuriya,

Abu Mohammed al-Julani, magaciisa hore ayaa ahaa Axmed Xuseen Al-Sharaa, wuxuuna ku dhashay sannadkii 1982-kii,  ku dhashay magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga, halkaas oo uu Aabihii ka ahaa Injineer Batroolka ah. laakiin sida ay xoggaha laga helay sheegayaan Qoysku waxay ku noqdeen Suuriya 1989, iyagoo degay meel u dhow Dimishiq. laakiin wax baddan lagama ogga waqtigii uu ku sugnaa Dimishiq ka hor inta aannu u dhaqaaqin Ciraaq 2003, halkaas oo uu ku biiray al-Qaacidada Ciraaq, isagoo qayb ka ahaa iska caabintii Maraykanka ee isla sanadkaa.

Read More; Aleppo: Quruxdii Iyo Xadaaradii La Haligay. By. Carraale M Jama

Sheekadda xiisaha baddan ayaa ah in Hoggaamiyaha Hayat Tahrir al-Sham (جبهة تحرير الشام HTS), Al-Julani oo ay ciidamada Maraykanka ku qabteen Ciraaq sannadkii 2006-dii oo ay haysteen muddo shan sano ah,  kaddib ayaa Al-Julani markii dambe loo xil-saaray aasaasidda garabka ee Al-Qaacida, gaar ahaan Suuriya, wuxuuna sameeyay mid ka mid ah kooxihii Suuriya lagu kiciyay ee la doonayay in xukunka lagaga tuuro Al-Assad, isagoo hoggaaminayay Jabhadda Al-Nusra, taas oo kordhisay saamaynta ay ku leedahay goobbaha ay mucaaradku haystaan, gaar ahaan Magaalada Idlib.

Al-Julani waxa uu sannadahaa ka hor  lasoo shaqeeyay Abu Bakar al-Baghdadi, madaxa al-Qaacida “Dawladda Islaamiga ah ee Ciraaq”, oo markii dambe noqotay, ama u xuub siibatay ISIL (ISIS).

Hase yeeshee April  2013, Al-Baghdadi ayaa si lama filaan ah ugu dhawaaqay in kooxdiisu ay xidhiidhka u jartay Al-Qaacida ayna isku fidin doonaan Suuriya, iyagoo si hufan u liqay Jabhadda Al-Nusra oo ay noqdeen koox cusub oo lagu magacaabo ISIL.

Hoggaamiyahan ayaa wareysigii ugu horreeyay ee telefishinka laga sii daayay 2014, wuxuu u sheegay Aljazeera in Suuriya lagu xukumo tarjumaadda kooxdiisu ee sharciga Islaamka iyo dadka laga tirada badan yahay ee dalka, sida Masiixiyiinta iyo Calawiyiinta aan la dejin doonin. Laakiin  al-Julani wuxuu u muuqday muddooyinkan inuu iska fogeynayo mashruuca al-Qaacida ee aasaaska khaliifadda caalamiga ah ee dhammaan dalalka Muslimiinta u baddan, isagoo u muuqday inuu diiradda saarayo sidii uu u dhisi lahaa kooxdiisa guddaha xudduudaha Suuriya.

Sida ay sheegeen falanqeeyayaasha, waxa jiray kuwo ka mid ahaa kooxdiisa oo kasoo horjeeday ku-meel-gaadhka, hamiga kooxaha ee Idlib. laakiin Kadib July 2016, Xalab ayaa gacanta u gashay maamulka, waxaana kooxaha hubaysan ee halkaas ku sugnaa ay bilaabeen inay u jihaysteen Idlib, halkaas oo weli mucaaradku gacanta ku hayaan. Isla wakhtigaas, al-Julani waxa uu ku dhawaaqay in kooxdiisu u bedeshay Jabhada Fateh al-Sham.

Hase yeeshee  mar kale, Horraantii 2017, kumanaan dagaalyahano ah ayaa ku qulqulay Idlib, kuwaas oo ka cararaya Xalab (Aleppo), wuxuuna Al-Julani ku dhawaaqay in ay ku biireen tiro ka mid ah kooxahaas iyaga oo sameeyay  kooxda Hayat Tahrir al-Sham (HTS) ee xilligan qabsaday Xalab.

Hadafkooda ayay ku sheegeen in uu yahay sidii dalka Suuriya looga xorrayn lahaa xukuumadda isbahaysiga Bashaar Al-Assad, iyo ka saarida maleeshiyaadka Iran, sidoo kale,  in la dhiso dawlad si waafaqsan Sharciga Islaamka,  sida ay sheegtay Xarunta Istaraatijiyadda iyo Daraasaadka Caalamiga ah ee fikirka-tank Washington, DC.

Todobaadkan markii dagaalyahannada mucaaradka ay dib u qabsadeen Xalab (Aleppo), waxay ka dhaqaaqeen koonfurta, Al-Julani oo ah hoggaamiyaha Kooxda ayaa la ga soo weriyay in Tan iyo markii ay qabsadeen Xalab, kooxdiisu ay bixisay dammaanad ah in la ilaalin doono diimaha iyo qowmiyaddaha laga tirada badan yaha, taas oo u muuqata mid meesha ka saaray mawqifkoodii ahaa waxaan wadnaa nidaam xukum islaami ah .

Khabiir Suuriyaan ah oo magaciisu yahay Hassan Hassan, oo ku takhasusay kooxaha hubaysan ayaa sheegay in Al-Julani uu doonayo oo keliya inuu ku calaamadiyo HTS inay tahay maamul lagu kalsoonaan karo oo Suuriya ah iyo saaxiibka suurtagalka ah ee dadaallada ka hortagga argagixisada caalamiga ah.

Marka la joogp Magaalada Idlib, waxa uu damcay in uu la wadaago kooxaha kale ee hubaysan ee mucaaradka ah, sida Xarakatu Nour al-Din al-Zinki, Liwa al-Haq iyo Jaysh al-Sunna, sida ay sheegtay CSIS, iyo in uu iska ilaaliyo xulafadii hore, sida Hurras al-Diin. laanta cusub ee al-Qaacida ee Suuriya, isagoo doonaya in aan qorshihiisu noqon mid fashilma, iyadoo ay caddahay ujeedada laga leeyahay isaga kooxaha kale ee Maraykanka, Israel iyo dalalka reer galbeedku aasaaseen si ay ugu birburiyaan Suuriya, isla markaana ay meesha uga baxaan Lubnaan iyo Qudus iyo guud ahaan Dhulka Falastiin ee Iran , maadama Suuriya tahay Biriishka isku xidha Xizbullaah, Xamaas iyo Iran waxayna qorshahan Maraykanka iyo xullufadiisu sameeyeen markii Israel lagaga adkaaday dagaalkii afartanka maalood ee Israel iyo Xizbullah, iyadoo dib loo soo celiyay qorshaha kaddib guuldaradii soo bilaabantay Oct 2023, ee dagaalka Qaza ee Xamaas iyo Israel iyo weliba Guuldaradii isku dayga Koonfurta Lubnaan ee Israel.

Si kastaba ha ahaatee  (جبهة تحرير الشام HTS), Qaramada Midoobay, Turkiga, Maraykanka iyo Midowga Yurub, ayaa hadda ku tilmaama urur argagixiso, laakiin waa sheeko keliya lagu khaldayo shucuubta islaamka, isla  markaana si gaar ah looga iibninayo shucuubta suniga ee gobolka iyo kuwa caalamka, iyadoo Turkigu yahay wakiilka israel iyo Maraykanka ee fulinta qabsashada Aleppo xilligan ee kooxda Hayat Tahrir al-Sham (HTS), ee uu hoggaamiyo al-Julani, taas oo lagu beegay maalin kaddib heshiiska beenta ahaa ee Israel iyo Xizbullah, waxayna maalmaha soo socda eegaynaa saamaynta siyaasadeed ee gobolka iyo sida wax isu beddelaan.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com