X
    Categories: Warar

Qaban-qaabada Magaalada Ugu Facaweyn Taariikhda Soomaalida Ku Dhaqan Britain Oo Laga Wado Munaasibad Lagu Aqoonsanayo Qadiyada Somaliland Iyo Wefdi Xukuumadda Ka Tirsan Oo U Boqoolay

Photo File: Sheffield City Council to Vote on Recognising Somaliland April 2014, By. Araweelonews.com

Hargeysa(ANN)Qaban-qaabada munaasibad la doonayo in Golaha Deegaanka ee Cardiff ee dalka Britain ku aqoonsadaan qadiyada iyo jiritaanka qaranimada Somaliland, ayaa maalmihii u danbeeyay abaabulkeedu ka socday cariga Ingiriiska.
Munaasibadaa oo ay soo qaban qaabiyeen xubno golaha deegaanka Cardiff iyo jahliyada magaalada Cardiff oo ah deegaanka ay ugu horeeyeen Odayaal boqolaal sanadood ka hor ka tegey Somaliland oo degay halkaa ay ku tarmeen, ayaa la filayaa inay ka dhacdo maalmaha soo socda.
Wefti balaadhan oo isugu jira Wasiiro iyo xildhibaano ayaa maanta ka anbabaxay caasimada Somaliland ee Hargeysa, kuwaas oo usii jeeda Dalka Britain si ay uga qayb galaan munaasabad ay soo qabanqaabisay jaaliyadda Somaliland ee UK, taas oo la filayo in Golaha Deegaanka ee Magaalada Cardiff ay ku aqoonsadaan Madaxbanaanida iyo jiritaanka qaranimada Somaliland.
Cardiff iyo Sheffield waxay ka mid yihiin magaalooyinka ugu caansan ee ay shacbiga Somaliland kasoo jeedaa boqolaal sanadood ka hor degeen, iyadoo Golaha deegaanka maamulka dawlaha hoose ee Sheffield ee Britain, ayaa sanadkii hore April 2014, ku dhawaaqay inay aqoonsadeen qaranimada Somaliland. Kadib dood ay dabada ka riixayeen Jahliyada Somaliland eek u dhaqan halkaa oo la hordhigay Baarlamaanka Sheffield, taas oo dood dheer kadib ay cod aqlabiyad ah ku sheegeen inay gole ahaan si rasmi ah u aqoonsadeen jiritaanka iyo madaxbanaanida qaranimada Somaliland.
Halkan Ka daawo Wefdiga ka baxayay Hargeysa Riix.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post