X
    Categories: Warar

Qaar Ka Mid Ah Hoggaanka Garabka Haweenka Ee KULMIYE Oo Xilalkii Ay Xisbiga Ka Hayeen Iska Casilay

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Qaar kamid ah Haweenka Xisbiga KULMIYE xilalka ka hayay, ayaa iska casilay Masuuliyadii xilalkii ay ka hayeen iyo xubinimadii Xisbiga.

Haweenka oo ka mid ahaa garabka Haweenka ee Xisbiga KULMIYE, gaar ahaan gobolka Maroodijeex, isla markaana qaarkood mudo dheer lasoo shaqaynayay Xisbiga, waxay caawa shaaciyeen is casilaadooda iyo inay gebi ahaanba ka baxeen Xisbiga KULMIYE.

xubnaha Haweenka is casilay, ayaa kala ah sidan:-

1.Guddoomiyaha Garabka Haweenka Gobolka Maroodijeex ee Xisbiga Kulmiye marwo Xusni Maxamed Warsame

2.Guddoomiyaha Garabka Haweenka Degmada Maxamuud Haybe ee Xisbiga Kulmiye Marwo Aamina Maxamed furre iyo Ku Xigeenkeeda marwo Qamar Ibrahim kirix

3.Guddoomiyaha Garabka Haweenka Degmada Gacan Libaax ee Xisbiga Kulmiye marwo Layla Xaaji Muuse Kaahin

4.Guddoomiyaha Abaabulka iyo wacyi gelinta Garabka Haweenka ee Gobolka Maroodijeex ee Xisbiga Kulmiye Marwo Raaxo Axmed Aadan

5.Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee Degmada Ahmed macalin Haaruun ee Xisbiga Kulmiye Marwo Rooda cismaan cige

6.Guddoomiyaha Garabka Haweenka xaafada sheekh mubaarik ee Xiabiga Kulmiye marwo Sucaad xuseen Nuur

7. Xoghayaha garab Haweenka Gobolka maroodijeex ee Xisbiga Kulmiye Marwo Saddo Ismaciil xuseen

Dhamaantood waxaa ay sheegen in ay caawa laga bilaabo iska casileen xilkii iyo xubin nimadii xisbiga Kulmiye iyo sidoo kale Ururka Haweenka Qaranka ee NOW oo ay sheegeen inay xubno ka ahaayeen.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post