Araweelo News Network

deeqda la ururiyayhargeysaHargeysa (ANN)Qaar ka mid ah dadweynaha ku dhaqan Caasimada Somaliland ee Hargeysa, ayaa deeqdii u horaysay u ururiyay si ay uag qayb qaataan abaaraha.

Dadweynaha ku dhaqan degmada Gacan-libaax ee caasimadda Hargeysa, ayaa si mutadawacnimo ah isaga ururiyey raashin kala duwan oo ay ugu talogaleen dadka ku dhaqan degaannada Somaliland ee abaaruhu saamaynta xun ku yeesheen.

Maayarka Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko) oo hadal ka jeediyey xaflad uu kula wareegay raashinka gargaarka ah ee ay ku deeqeen dadweynaha reer Gacan-libaax shalay, ayaa ammaan u jeediyey bulshada ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee degmadaas.
“Raashinka aynu halkan isugu keennay waa hooyo biil la siinayey amma iyaduba soo shaqaysay intii ay carruurteeda siinaysay qayb ka mid ah oo ay la baxday, iyadoo ka xannuunsanaysa amma ka damqanaysa hooyada la mid ah ee xoolihii ka dhammaadeen ee dhaxanta iyo qabowga roobabka joogta, sida halkan la iigu soo gudbiyey. Xaafadda Maxamuud Xarbi ayaa kaalinta kowaad ka gashay bixinta raashinkaas, kaalinta labaadna waxa gashay xaafadda Sheekh Madar, kaalinta saddexaadna waxa gashay xaafadda Sheekh Nuur iyo xaafadaha kale ee ka qaybqaatayba, raashinku waa laba boqol oo kiish oo min 25kg, 12 caagadood oo saliid ah iyo siddeed kartoon oo baasto ah, waana degmadii kowaad ee soo ururisa, kuwo kalena waan kala wareegi doonnaa. Marka la soo wada ururiyo ayeynu guddida heer qaran ku wareejin doonnaa, waxaanan u mahadnaqaya hooyada garatay in carruurta ku gaajoonaya Hargeysa amma Boorama iyo Badhan inay wax tarto,” ayuu yidhi Maayir Soltelco.
Guddoomiyaha Degmada Gacan-libaax oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in degmadiisu noqotay ta ugu horraysa ee ka qaybqaata gurmadka dadka abaaruhu saamaynta ku yeesheen.
Waxa kaloo halkaas ka hadlay xildhibaan Axmed Daahir Axmed oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Degaanka Hargeysa, isagoo u mahadceliyey dadweynaha iska ururiyey raashinka kala duwan ee loogu talogalay dadka ku nool degaannada abaarta xun ka dhacday ee Somaliland, waxaannu yidhi; “Hawl fiican ayaad qabateen, waajibkii idin saarnaana waad gudateen, inta kalena waxaan leeyahay dedaalkaasi ka midho-dhaliya dadka aynu caawinayna waa dadkeennii, waa kuwii aynu ku noolayn, waa dadkii xoolo dhaqatadd ahaa ee caasimadda quudin jiray, dadkeena inaynu wax tarnaa waa wax loo baahan yahay.”
Xubno ka mid ah guddida nabadgalyada ee soo ururiyey raashinkan gargaarka ah oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa u mahadnaqay dadka bixiyey raashinkaas, kuwaasoo ay tilmaameen inay yihiin muwaaddiniin wanaagsan oo u damqaday walaalahooda abaaruhu saamaynta xun ku yeesheen.