X
    Categories: Warar

Qaar Ka Mid Ah Dadkii Ku Dhaawacmay Qaraxii Isgoyska Zoobe Oo Dalka Turkiga Loo Qaaday

Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii lagu hoobtay ee ka dhacaday Muqdisho, ayaa loo qaaday Cusbitaalo dalka Turkiga ah.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha dawladda Federaalka oo ka hadlaya dadka dhaawaca ah ee la qaaday, ayaa lagu yidhi sidan:-

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay 34 qof oo shacab Soomaaliyeed ah, kuwaas oo qabay dhaawacyo kala duwan oo ka soo gaadhay qaraxii ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho 14-kii October , isla markaana xaaladooda caafimaad aan dalka wax looga qaban karin kadibna  loo qaaday dalka Jamhuuriyadda Turkiya.

Dhaawacyada ayaa lagu qaaday diyaarad khaas ah oo ay leeyihiin Ciidamadda Turkigu, waxaana ka hor inta aan la qaadin dhaawacyada uu ra’iisal Wasaaruhu la kulmay Wasiirka Caafimaadka Turkiga oo ay wehliyaan dhakhaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad oo u yimi dalka inay ka qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo dhaawacyada shacabka Soomaaliyeed ee xasuuqa ba’an u geysteen kooxaha shar-wadayaasha ah.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa dalka Turkiga uga mahadceliyey gacantooda walaaltinimo ee mar walba ay soo gaadho Soomaaliya, xili dadku u baahan yihiin gurmad. Wuxuna tilmaamay in ay ka go’antahay daryeel u fidinta shacabka ku soo dhaawacmay Qaraxii 14-kii October.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Isla markaana ah duqa Muqdisho iyo guddida qaran ee gurmadka deg-degga ah. Waxana ay dawladdu sheegtay saacadaha soo socda in la qaadi doono dhaawacyo dheeraad ah oo xaaladdooda caafimaad ay liidato.

—DHAMMAAD—-

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post