X

Qaahira: Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Oo Booqday Jaamacadda Carabta Ee Siqiirtay Iyo Dareenka Ku Xeeran Safarkiisa Masar Xilligan Dagaaladu Ka Socdaan Ethiopia

Ra’iisal Wasaaraha dawladda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo safar ku tegey dalka Masar 16 August 2021, Image file Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

 

Qahira(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha dawladda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo safar ku jooga dalka Masar ayaa maanta booqday xarunta Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Xoghayaha Jaamacadda Carabta Axmed Abulqeyd.

Sidaana waxa lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaare Rooble oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, ayaa lagu sheegay in Xog-hayaha Jaamacadda Carabtu warbixin ka siiyay ra’iisal Wasaare Rooble qaab howleedka Jaamacadda Carabta.

Safarka Ra’iisal wasaare Rooble oo aan si dhab ah loo ogayn ujeedadiisa, waxaa ku weheliya Wasiirka arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamed, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Abuukar Xaaji iyo masuuliyiin katirsan gollayaasha Dowladda, wuxuuna safarkoodu kusoo beegmay xilli ay dunidu ka sugayso Soomaaliya in la hirgeliyo doorashooyinka dadban ee lagu heshiiyay.

Dr. Axmed Abulqeyd ayaa Ra’iisal Wasaaraha ku ammaanay kaalintiisa hoggaamineed ee arrimaha doorashoiyinka iyo dib- u heshiinta Soomaaliya, isagoo ballan qaaday in Jaamacadda Carabtu ay taageero dhan walba ah la garab joogto Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa dhankiisa ka mahadceliyay soo dhaweynta, isagoo tilmaamay in Soomaaliya oo xubin ka ah dalalka Jaamacadda Carabtu ay taageero dheeri ah ka fileyso walaalaheeda ku bahoobay Ururka Jaamacadda Carabta, gaar ahan xilligan muhiimka ah ee dalku galay doorashada, balse waxa xusid muddan in Ururka Jaamacadda Carabtu sannadii u danbeeyay ahaa magac u yaal oo aannu wax saamayn ah ku lahayn siyaasada dalalka xubnaha ka ah Ururka iyo ta gobolkaba.

Sidoo kale, safarka, ayaa kusoo beegmay xilli ay collaado iyo dagaalo ka socdaan dalka Ethiopia oo ay wadaagan xad, isla markaana Dalka Masar si weyn isugu hayaan biyo-xidheenka ay doonay in ay ku isticmaasho Biyaha webiga Niilka oo ay isku khilaafeen dalalka uu maro Webigu, wallow ay Masar tahay dalka sida weyn ay arrintaasi samaynta ugu yeelanay, iyadoo ay fashilmeen dedaalo la doonayay in heshiis lagaga dhaliyo dalalkaa khilaafka u dhexeeya ee isticmaalka Biyaha Webiga Niilka, waxaana lala xidhiidhinayaa safarka xilligan ee ra’iisal wasaare ku tegey dalka Masar in aannay ka madhnayn arrimaha iyo kuwo kale, iyadoo Madaxweyne Farmaajo qayb ka ahaa isbahaysigii Ethiopia, Eriteria iyo Soomaaliya oo si weyn xukuumadda Masar u saluugtay xilligaa, balse isbahaysigaa oo ahaa mid la doonayay xulufada Ethiopia iyo Eriteria hoggaaminayeen lagu ballaadhiyo gobolka, ayaaku fashilmay duulaankii gobolka Tigray oo sababay dagaal si weyn u wiiqay cuddudii Millateri ay Ethiopia ku faani jirtay oo ka socda dalkaa sagaalkii bilood ee u danbeeyay, isla marakana laga cabsi qabo in ay Ethiopia marto dariiqii Yugslava.

 

Dhinaca kale, Ra’iisal Wasaare Rooble oo ay weheliyaan Wasiirka arrimaha Dibadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamed iyo masuuliyiin kale ayaa booqday dalka Kenya Toddobaadkii hore, iyadoo labada dalk khilaaf weyn u dhexeeyay sannadihii u danbeeyay, waxayna booqashada ra’iisal wasaare Rooble iyo kulanka uu la yeeshay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta sababay safarkaasi in uu khilaaf ka dhex abuuro ra’iisal wasaare Rooble iyo Madaxweyne Farmaajo.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post