X
    Categories: Warar

Qaabkii Loo Qaabilay Madaxweynaha Somaliland Iyo Wefdigiisa Magaalada Burco

Araweelo News Network

 

Burco(ANN)-Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi Iyo wefdigiisa, ayaa saaka Xilli hore gaadhay Magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer.

 

Dadweynaha Magaalada Burco, ayaa Madaxweyne  Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii si weyn usoo dhoweeyay waxayna iyagoo ruxaya caleemo qoyan guud ahaanba qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Burco oo isku duuban ugu qaabileen Madaxweynaha Iyo wefdigiisa soo Dhowayn ballaadhan.

 

Sidoo kale maamulka gobolka iyo degmada Burco, madax-dhaqameedka, haweenka, dhallinyarada, aqoonyahanka, xildhibaannada iyo siyaasiyiinta oo ay weheliyaan raxan fardo ah, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kaga hortegay deegaannada Karasharka iyo Qoyta oo dhinaca waqooyi galbeed ka xigta magaalada  Burco.

Waxaana Madaxweynaha Iyo wefdigiisa oo gelbinayaan gaadiidka Iyo Farduhu , iyagoo hareeraha kala socda u gelbiyeen gudaha Magaalada.

Soo dhaweynta ay shacabka ku dhaqan magaalada Burco ku qaabileen madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa taxnayd ayaa ahayd mid laga dareemay shaaricyada waaweyn ee magaalada Burco, waxana uu madaxweynuhu mid mid u gacan qaaday madax-dhaqameed iyo waxgarad kala duwan oo waddooyinka u taagnaa soo dhaweyntiisa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Iyo wefdigiisa ayaa laga dareemayay farxad, waxaana la filayaa in Madaxweynaha Iyo wefdigiisu kulamo la yeeshaan Odayaasha dhaqanka ee gobolka Togdheer Iyo Masuuliyiinta Hay’addaha dawladda.

 

Wixii  kasoo kordha safarka Madaxweynaha Somaliland kala soco Araweelo News Network.

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post