X

Qaabkii Loo Ansixiyay Miisaaniyadda Somaliland Iyo Wasiirka Maaliyadda Oo Ka Hadlay

Golaha wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland 5 December 2020, qasriga Madaxtooyadda Somaliland Image Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Wasiirka Maaliyadda #Somaliland Sacad Cali Shire, ayaa ka hdlay Odoroska Miisaaniyad sannadeedka 2021, taas oo Gollaha Wasiirada Jamhuuriyadda #Somaliland ku ansixiyeen fadhi aan caadi ahayn oo ay yeesheen maanta.

Wasiirka, ayaa markii fadhigaasi dhammaaday si kooban uga warbixiyay Odoroska miisaaniyad sannadeedka 2021, wuxuu sheegay Oddoroska miisaaniyad sannadeedka dawladda dhexe ka badan tahay tii hore ee 2020, 2.7%,  halka wadarta guud ee miisaaniyada marka loo eego Odoroska miisaaniyad sanandeedkii 2020-ka badan tahay 2.9%, walaw uu hore u sheegay April 2020, in hoos u dhac ku yimi Miisaaniyada 2020, sharaxaad kama bixin halka uu ka imanayo korodhka miisaaniyadda sannadka 2021 ee uu golaha wasiirada horgeeyay.

Akhri: Wasiirka Maaliyada Oo Sheegay Inay Hoos u dhacay Miisaaniyada Qaran Ee 2020

Wasiir Sacad wuxuuna shreegay in miisaaniyadda sannadkan oo lagu saleeyay hab-raaca mashruuca dib u habaynta maamulka dhaqaalaha dadweynaha ee PFM (Public Financial Management), isagoo xusay in mudnaanta la siinayo miisaaniyaddan 2021, arrimaha ay ka mid yihiin Amniga, Caddaaladda, Caafimaadka, Waxbarashadda, Wax-soo saarka iyo Deegaanka.

 

Balse wasiir Sacad, ayaan Faahfaahin dheeri Kama bixin miisaaniyadda, marka laga yimaado faraqa uu sheegay in meelaha ay ahmiyada saarayaan xukuumad ahaan.

Halkan Ka Daawo Qaabkii loo ansixiyay Miisaaniyadda iyo hadalka Wasiir Sacad.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post