X

Qaabkii Loo Aasay Suldaankii Dhaxlay Sadanadii Halganka Iyo Dhismaha Qaranka Somaliland

Araweelo News Network.

 

Hareysa(ANN)-Allah ha naxarisitee, waxa maanta 15 Sep 2021, Aas qaran loogu sameeyay Duleedka Koonfureed ee Magaaladda Hargeysa, Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo ahaa Suldaan ku abtirsada Halgankii hubaysnaa ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland dib loogu xorreeyay, hub ka dhigistii, nabadayntii iyo guud ahaan dhismaha yagleelidii qaranimada Somaliland.

 

Marxuumka, ayaa ku geeriyooday dalka Turkiga, waxaana maydkiisa loo soo qaaday Magaaladda Hargeysa ee Caasimadda Somaliland si aas qaran loogu sameeyo, Suldaan Cumar, wuxuu ahaa shaqsi dhawrsoon oo kasoo jeeda saldanad haybad iyo karaamo ku leh Bulshada, isagoo door muhiim ah kasoo qaatay dib u dhiskii qaranka iyo nabadayntii ka hor intii aannu la wareegin dhaxalka Saldanada iyo ka dib markii loo cumaammaday Saldanada geeridii Aabihii 2003.

 

Suldaan Cumar ayaa dhaxlay Aabihii Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo taariikh dahab ah ku lahaa qaranka, kuna abtirsada deegaanka Baligubadle ee xudunta u ahaa halgankii hubaysnaa,  isla markaana ku suntanaa inuu ahaa Suldaankii u horeeyay ee ku biiray halganka SNM sannadihii horaantii sideetanaadkii, isagoo dhinaca kale noqday Suldaankii u horeeyay ee Malayshiyadii Jabhada ahaa ee mujaahidiinta deegaankiisa kasoo jeeda hubkooda ku wareejiyay xukuumaddii Madaxweyne Maxamed Ibraahin Cigaal, taas oo noqotay horseedkii qaramaynta iyo ibafurkii hub ka dhigista oo ay xilligaa ka maagayeen deegamada kale ee Somaliland, balse aakhirkii tallaabada geesinimada lahayd ee uu qaaday sababtay in qaar badan oo ka mid Malayshiyaadkii hubaysnaa ee deegamada kale ku daydaan sidaana lagu dhiso ciidanka qaranka ee maanta ah cudduda ay Jamhuuriyadda Somaliland ku faanto.

 

Aaska Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, oo ahaa wiilkiisii dhaxlay Saldanada facaweyn, waxa ka qaybgalay Madaxweyaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyayaasha gollayaasha Baarlamaanka ee Guurtida iyo Wakiillada, hoggaamiyaasha Axsaabta qaranka, haldoonka Bulshada Somaliland, masuuliyiinta xukuumadda, mujaahidiin, culimada Odayaasha, salaadiinta iyo qaybaha kale ee Bulshada Somaliland.

Sidoo kale, waxa kasoo qaybgalay Aaska Suldaan Cumar, Madaxdhaqameed, waxgarad, siyaasiyiin, culimo iyo qaybo kale oo bulshada Soomaalida ka mid ah, kuwaas oo ka kala yimi deegaamada Somaliland iyo gobolada kale ee Soomaalidu degto, iyadoo geerida Suldaanka guud ahaan laga dareemay gobolka Soomaalidu degto, waxaana isla goobta lagu caleemasaaray Wiilkiisa Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo dhaxlay saldanada taariikhida dahabka ah ku leh Somaliland iyo guud ahaanba Soomaalida.

Muuqaalka Ka Daawo Qaabka loo Aasay iyo Weedhihii laga Yidhi.

 

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post