X
    Categories: Warar

Qaabkii Lixda Xubnood Ee Komishanka Doorashooyinka Somaliland Loogu Codeeyay

Golaha wakiiladda Somaliland oou codaynaya xubnaha komishanka doorashooyinka ee cusub 12 Nov, 2019.


Hargeysa(ANN)- Golaha wakiiladda Somaliland, ayaa ansixiyay Lix xubnood oo ka mid ah Todobada xubnood ee Komishanka Doorashooyinka, kuwaas oo xubintii laga sugayay xisbiga Mucaardka ee WADDANI, ka maqnayd, iyadoo ay weli laantahay, kadib markii lagu celiyay xubin ay hore ugu soo xuleen komishanka ka hor intii aan la horgeyn gole weynaha Wakiiladda Somaliland.


Lixda Xubnood oo golaha wakiiladu maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen, kadib markii mid mid loogu codeeyay, waxa soo magcaabay laba xubnood Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Laba xubnood oo guurtidu soo gudbisay iyo laba xubnood oo Xisbiga muxaafidka ee KULMIYE, iyo Xisbiga Mucaardka ee UCID midkoodba mid soo magcaabay.


Halka ka Daawo muqaalka qaabkii Xubnaha Komishanka golaha Wakiiladu u ansixiyay.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post