X
    Categories: Warar

Pyongyang: Kuuriyada Waqooyi Oo Sii Wada Tijaabada Gantaaleheeda, Madaxweyne Trump Iyo Madaxda Kale Ee Dunida Oo Jawaabo Is Khilaafsan Ka Bixiyay

Araweelo News Network

An undated file photo released on April 24, 2017 by the North Korean Central News Agency (KCNA) shows an ‘underwater test-fire of strategic submarine ballistic missile’ conducted at an undisclosed location.


Pyongyang(ANN)-Dalka Kuuriyada Waqooyi, ayaa sii wada tijaabada Gantaalaha hubka Nukliyeerka xanbaarsan, kaddib markii uu mar kale hawadda u ganay gantaal kale oo ah nooca Ballistika ah, Saacado yar kaddib markii xoghayaha arrimaha dibada ee Mareykanka Rex Tillerson ku baaqay in si adag loo waajaho xukuumadda Pyongyang ee uu hoggaamiyo Kim Jong-un.

Sida ay sheegayaan Saraakiisha Kuuriyada Koonfureed iyo Maraykanka, waxa lagu guul daraystay tijaabada gantaalka Kuuriyada Waqooyi ay hawadda u riday, waxayna ku doodeen in gantaalka uu qarxay waxyar ka dib markii la riday.

Dhinaca kale Madaxweynaha Maraykanka Mr. Donald Trump oo ka hadlay gantaalka ay tijaabisay Kuuriyada Waqooyi, ayaa sheegay in arrintaasi ay ixtiraam daro ku tahay wadamada gobolka, gaar ahaan dalka Shiinaha.

Sidoo kale Tillerson oo ka hadlayay xarunta Golaha Ammaanka ee Qaramada Middoobay ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta haddii caalamka uu ku guul dareysto in uu tallaabo ka qaado Kuuriyada Waqooyi.

Hase yeeshee wadamo dhawr ah oo ay ka mid yihiin Shiinaha iyo Ruushka ayaa ka soo horjeestay in talaabo Milateri loo adeegsado Xukuumadda Pyongyang, kuwaasoo ku baaqay in wadahadalada ku waajahan arrinta xiisada Pyongynag dib loo bilaabo.

Television news coverage showing archive footage of a North Korean missile on a public screen in Seoul, South Korea, on March 6, 2017


Tijaabada gantaalka Xukuumadda Pyongyang, ayaa ku soo beegmay maalmo kaddib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu markale ka digay in uu si fudud u billaabmi karo dagaal wayn oo lala galo Kuuriyada Waqooyi, kaasoo salka ku haya hubka nukliyeerka ah.

Donald Trump oo la hadlayay wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa sheegay inuu doorbidayo in arrintani ay noqoto mid lagu xaliyo qaab diblomaasiyadeed, Balse ay adag tahay in laga guulaysto xal dhanka dublamaasiyada ah.

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, wuxuu ku eedeeyay Kuuriyada Waqooyi in ay xushmad darro u muujisay Shiinaha oo ah saaxiibka ugu weyn ee ay leedahay, kaddib markii ay gantaalkii saddexaad tijaabisay muddo bil gudaheed ah.

Mr Trump oo dhawaan Aqalka Cad ku marti-qaaday Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, ayaa ku amaanay “sida uu ugu dedaalayo” wax ka qabashada xiisadda Kuuriyada Waqooyi.

Balse Wasiirka arrimaha dibedda ee Shiinaha, Wang Yi, ayaa ku baaqay in wadahadal cusub laga yeesho arrinta Kuuriyada Waqooyi,halka wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda ee Ruushka, Gennady Gatilov, uu sheegay in aan la aqbali karin tallaabo milateri oo ka dhan ah dalkaasi ku hubaysan nukliyeerka, taas oo uu sheegay in ay halis dunida u horseedi karto.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post