X

#Puntland: Xaaladda #Garoowe

#Araweelo_News_Network.

 

Garoowe(ANN)- Magaalada Garoowe ee xarrunta maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa laga dareemayay maanta deganaansho, kaddib markii Salaasadii shalay dagaal hubka culus laysu adeegsaday oo sababay khasaare dhimasho iy qax uu ka dhacay.

Dagaalka ayaa u dhexeeyay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo siyaasiyiin mucaarad ah, iyadoo dagaalku si weyn u saameeyay Magaalada, isla markaana dad baddan ka carareen guryahooda, balse madax-dhaqameedka deegaanka ayaa maanta ku guulaystay in la joojiyo xabada.

Dhexdhexaadinta Madax-dhaqameedka, ayaa labada dhinac ku qancisay in ciidamada ay kala qaadaan, isla markaana loo gudbo wadahadal six al loogu helo mushkilada sababta u ah dagaalka oo soo jiitamaysay muddooyinkii u danbeeyay.

Sidoo kale, Madax-dhaqameedka deegaanka, ayaa ka dalbaday Baarlamaanka Maamulka Puntland inay hakiyaan ilaa inta xal laga gaadhayo muranka dooda la xidhiidha wax-ka-bedelka lagu samaynayo dastuurka, maadaama qorshaha Madaxweyne Deni ee furista dastuurku ahayd sababta ugu weyn ee dagaalku ka bilaabmay, balse lama ogga inay Baaralamaanku aqbaleen codsigaa.

Dagaalka ayaa wararka qaar sheegayaan in ugu yaraan ku dhowaad 30 qof ay ku dhinteen tiro intaa ka baddana ay dhaawacantay, iyadoo dadkaasi u baddan yihiin dadka shacabka ah ee degaana meelaha dagaalku ku xoog weynaa, isla markaana sida ay wararku sheegayaan dadka ka cararay goobaha dagaalku ka dhacay iyo kuwo xaafaddaha ay deganaayeen ka qaxay shalay, ayaa maanta qaarkood dib ugu soo laabteen goobahooda ganacsiga iyo guryahooda, waxayna xaaladdu u muuqatay mid degan maanta, wallow ay jirto cabsi laga qabo in dagaalku dib u bilaabmo.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post