X

Puntland Oo Carqaladaynay Diiwaangelinta Doorashooyinka Somaliland

safaf dhaa-dheer oo loogu jiro diiwaangelinta goob ka mid ah goobaha diiwaangelinta Somaliland ee Togdheer, 27 December 2020, Image File .Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

 

Garoowe(ANN)-Maamul gobolleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa carqaladeeyay diiwaangelinta Somaliland ee ka socota deegaamada Bariga Somaliland.

Ciidamado iyo malayshiyaad taabacsan maamulka Puntland ee xaruntiisu tahay garoowe, ayaa kusoo duulay qaar ka mid ah deegaamada Bariga ee gobolka Sool, gaar ahaan deegaamada Caynaba oo dhowaan laga bilaabay hawsha diiwaangelinta.

Ciidamadaa iyo malayshiyada taabacsan maamul gobolleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa dhaq-dhaqaaqyo ay ka wadaan degaamada, Kalshaale, Hagooggane, Xadhadhanka, Maygaagle, Gocondhaale iyo deegaanka Ceegaag, kuwaas oo doonaya inay xaaladda deegaamadaa ka dhigin kuwo aan xasilooni ka jirin si aannay uga dhicin diiwaangelinta doorashooyinka Somaliland.

 

Col. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Axmed Nuur (Af-weyne) oo ah Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland,  ayaa sheegay in ciidamada ay u suurtagashay inay hor-istaagaan in Soomaliland diiwaangelinta cod-bixiyaasha ay ka samayso degaamadaa.

Taliyaha Ciidanka Puntland oo la hadlay Warbaahinta maxaliga ah ee maamulkaa, ayaa sheegay in Bulshada ay ka wacyi-geliyeen diiwan-gelinta doorashooyinka Somaliland, si ay u diidaan qorshaha diiwaangelinta Soomaaliland, taas oo sida uu sheegay ay ku guulaysteen.

Dhinaca kale, xukuumadda Soomaliland iyo Kommishanka doorashooyinka ayaan ka hadlin qorshaha isku dayga ah ee maamulka Puntland ka wadaan deegaamadaa si ay u carqaladeeyaan, walaw ay ciidamada qaranka Somaliland ku sugan yihiin jiida hore ee kulaalay xadka ay Somaliland la leedahay Soomaaliya ee dhacda duleedka Garoowe oo xarun u ah maamul gobolleedka Puntland.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post