X

Puntland: Madaxweynayaal Hore Oo Ka Dhiidhiyay Dagaalka Boosaaso

Araweelo News Netwrok.

“Ciddii aqbaliweyda xabad joojinta waxa loo aqoonsanayaa Denbiile Dagaal oo Maxkamadda dendiyada Dagaalka loo gudbiyo”

Boosaaso(ANN)-Siyaasiyiin hore Madaxweynayaal uga soo noqday Maamul gobolleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa si adag uga hadlay xabad joojin deg-de ah in ay sameeyaan Madaxweyne Siciid Deni General Mohamoud Diano, oo ah taliyaha ciiddanka sida gaarka ah u tababaran ee PFS.

Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo muddo dheer Madaxweyne ka ahaa maamulkaa iyo sidoo kale Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo madaxweyne kasoo noqday maamulka Puntland, isla markaana soo qabtay xilka ra’iisal wasaaraha dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

Siyaasiyiintaa oo ay weheliyaan Odayaal kale, ayaa bayaan kulul kasoo saaray xaaladda dagaalka Magaaladda Boosaaso, waxayna sheegeen inkasta oo ay dawladdu aqbashay xabad joojinta saacado ka hor, laga gaadhay dagaalka sababay dhimashada, dhaawaca iyo barakaca ee Salaasadii shalay ka bilaabmay Magaaladda Boosaaso.

Hase yeeshee waxay sheegeen in markii la aqbalay xabag joojinta la maqlayay xabado iyo madaafiic lagu garaacayo magaaladda, sidaa awgeed waxay ka digeen in ciddii u hogaansami weyda xabad joojinta loo aqoonsanayo denbiile dagaal oo loo gudbin doono maxakamadda denbiyada dagaalka.

 Dagaalka ayay sheegeen inuu khasaare dhimasho iyo dhawaac ah sababay, isla markaana xaaladda magaaladda ka dhigay goob dagaal iyo in dadku ka qaxaan, sidaa awgeed waxay ku baaqeen in wadahadal laysugu yimaado oo aannay xabad danbe dhicin, balse xalay xilli danbe ayaa mar kale dagaalku dib u bilaabmay saqdii dhexe ee xalay Khamiistii.

Muuqaalkan Ka Daawo Bayaanka Xabad joojinta

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post