X
    Categories: Warar

Prof. Buubbaa Oo Ka Hadlay Sababta Xidhiidhka Somaliland Iyo Soomaaliya Usii Xumaanayo, Khilaafka Badda Soomaaliya, Siyaasada Mandaqada Iyo Arrimo Kale

Wuxuu ka hadlay dhabbaha u bannaan Somaliland inay u marto sidii ay aqoonsi u heli lahayd iyo aragtidiisa guddida sita magaca Aqoonsi-raadinta ee xukuunmaddu samaysay

Hargeysa(ANN)-Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubbaa, oo  xiligan ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, isla markaana ah aqoonyahan khabiir ku ah siyaasada Mandaqada ee geeska iyo gobolka Carbta, kana mid ahaa siyaasiyiinta ugu magaca dheer Somaliland ee xilalka ka soo qabtay dawladihii Soomaaliya soo maray ee dibedda loogu soo dhisay markii ay burburtay dawladii Somalia 1991-kii, ayaa ka hadlay aragtidiisa xilligan siyaasada mandqada iyo muranka Somaliland iyo Soomaaliya.

Prof. Buubbaa, waxa kale oo uu ka hadlay wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya, waxyaabaha sababaya inay sii xumaadaan xidhiidhka iyo rajadii wadahadalka iyo culayska ay madaxda Somaliland sheegaan inay ku hayso dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

Mr. Buubbaa, waxa uu ka hadlay doorka ay Somaliland ciyaari karto arrimaha culayska ah ee kaga imanaya dhinaca Soomaaliya, dariiqa u banaan aqoonsigeeda, arrimaha isbedelada ka dhacay mandaqada ee Ethiopia horseedka ka tahay, aragtidiisa Safarkii Madaxweynaha Somaliland ee galbeedka Afrika  iyo muranka dhinaca xuduuda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya, xaalada gobolka Sanaag iyo xalkeeda, wuxuuna sidaa ku sheegay  waraysi uu siiyay weriye Cabdifataax Ismaaciil Mursal oo ah Tafaftiraha Telefishanka Bada-cas.

Prof. Ismaaciil Buubbaa oo arrimahaa iyo kuwo kale si xeel-dheer uga waramay halkan ka Daawo.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post