X
    Categories: Warar

Prof. Axmed Samatar oo Caddeeyey inuu ku Biirayo Axsaabta Siyaasadda Somaliland

“Waxa la soo gaadhay waqtigii aan ka qaybgali lahaa inta taagtaydu tahay in aan wax ku biiriyo isbeddelka waddanka ku soo socda, dawladda cusub ee la dhisi doono iyo doorashooyinka la galayo”
Araweelo News Network
Hargeysa(ANN)Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah aqoonyahanka reer Somaliland ee aan hore ugu jirin axsaabta siyaasadda Somaliland, ayaa ku dhawaaqay inuu dhawaan ku biirayo mid ka mid ah saddexda xisbi ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI.
Prof. Samatar oo Somaliland dib ugu soo laabtay shalay fiidkii kadib muddo sannad iyo badh ah oo uu dibadda kaga maqnaa, ayaa xog-warran kooban uu siiyey telefishanka madaxbannaan ee Star tv waxa uu ka sheegay inuu socodkiisan go’aan kaga gaadhayo uu kaga biirayo siyaasadda Somaliland, si uu qayb uga noqdo isbeddelka ka soo bixi doona doorashooyinka madaxbanimada iyo Wakiillada ee la filayo inay ka dhacaan dalka horraanta sannadka dambe ee 2017.
“Anigu xisbi aan weli goostay in aan ku biiro ma jiro, laakiin aad baan uga fikirayaa oo socodkayganina wuxuu ka mid yahay, lagana yaabo inuu yahay socodkii aan ku goyn lahaa sidaan yeelayo haddii aan codkayga meel ku biirinayo saddexda xisbi ee waddanka u tartamaya, markaa intaanan tagin waan filayaa warkaasi inuu soo baxo ayaa suurtogali karta, laakiin inta ka horraysa waa iska saansaanta dadku wadwadaan,” ayuu yidhi Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo weriyaha waraysanayey waydiiyey inuu ku biirayo xisbiga ka jira Somaliland waqtigan iyo in kale, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa raaciyey, “Waxase la soo gaadhay bay ila tahay waqtigii aan ka qaybgali lahaa inta taagtaydu tahay in aan wax ku biiriyo isbeddelka waddanka ku soo socda iyo dawladda cusub ee la dhisi doono iyo doorashooyinkaa la galayo, laakiin talo weli aan goostay oo aan caawa kuu sheegi karo ma hayo.”
Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo muddo badan ka mid ahaa siyaasiyiinta aaminsan mabda’a Soomaaliwayn ee ka soo horjeeda Somaliland, ayaa ka tanaasulay mowqifkaasi dhawr sanno ka hor markaas oo uu safar lagu soo dhaweeyey ku yimi Somaliland bishii June ee sannadkii 2013, wixii intaa ka dambeeyeyna waxa uu u ololeeyaa madaxbannaanida iyo ictiraaf ay dunida ka hesho Jamhuuriyadda Somaliland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post