X

Paris: Ujeeddada Booqashada Madaxweynaha Faransiiska Ee Washingtion Iyo Dagaalka Ukraine

Madaxweynaha Maraykanka Jeo Biden iyo Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, image Araweelo News Network, 2 December, 2022.

Araweelo News Network.

 

Washington (ANN)-Madaxwerynaha dalka Faransiiska Emanuel Macron ayaa booqday dalka Maraykanka Arbacadii toddobaadkan. Madaxweyne Emmanuel Macron ee Faransiiska ayaa Washington ka helay matiqaad, waa booqashadii ugu horreysay ee hoggaamiye ajnabi ah tan iyo markii uu xafiiska la wareegay Madaxweyne Biden.

 

Waxaa la filayaa in Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ku qanciyo Madaxweyne Joe Biden in la soo afjaro DAGAALKA Ukraine.

 

Sidoo kale, ujeeddada Emmanuel Macron ee Washington, ayaa lagu sheegay in ay la xidhiidho sidii Madaxweynaha Maraykanka loogu qancin lahaa inuu wadahadal toos la yeesho Madaxweynaha dalka Ruushka VLADiMIR Putin.

 

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, ayaa la filayaa in aannu waqti xaadirkan diidi doonin wada hadalka iyo wada xajoodka Madaxweynaha Ruushka Vladimir V. Putin.

Arritaa ayaa oo u dhigan in reer Galbeedka lagaga adkaaday dagaalka Ukraine, kaas oo xalkiisa ay ku kala qaybsan yihiin.

 

Haddiiba Madaxweynaha Maraykanku ka oggolaado Emanuweel Makroon oo ah Madaxweynaha Faransiiska inuu wada hadal la furo Vladimir V. Putin , hehsiiskaa ayaa loo baddin doonaa inuu noqon doono mid qarsoon oo sir ah, maadaama ay reer galbeedku dhanka WARBAAHINTA ka buunbuuniyeen inay dagaalka Ukraine ay ku jebiyeen Ruushka.

 

In kasta oo qorshaha Faransiiska iyo Maraykanku hoggaaminayo in ay reer galbeedku is dhiibeen, waxa iyaduna ku khasban inay is dhiibto dowladda Ukriane, laakiin hoggaamiyayaasha Yurub oo wasiirradooda Arrimaha Dibaddu kulmeen Arbacadii todobaadkan, waxay qaarkood sheegeen in haddii xilligan Ruushka heshiis nabadeed lala galo ay arrintaasi noqonay mid Ruushka u muujinaysa inuu guulaystay, iyagoo dhinaca kale xusay in gobolada uu qabsaday sidaa ku noqonayaan kuwo Ruushka ka mid ah.

Mr. Biden, ayaa hore ugu dooday in Mr. Putin loo diido guusha, isagoo sidoo kale ku doodayay in la xoojinayo go’aanka ay wadaagaan xulufaddu si looga fogaado xiisadda ka dhalanay Ukraine.

 

Sidoo kale, Madaxweyne Biden waxa uu marar hore aad ugu nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in Ukraine ay ku guulaysato dagaalka, isaga oo ku adkaystay in dadka reer Ukraine oo kaliya ay go’aan ka gaadhi karaan wakhtiga ay dagaalka joojinayaan, inkasta oo toddobaadyadii la soo dhaafay, markii uu jiilaalku soo dhawaaday, fikradda gorgortanka ay noqotay mid xoogaan, taas oo loo arkayay mid faa’iido leh.

 

Gen. Mark A. Milley, oo ah Guddoomiyaha Taliyaasha Marayanka, ayaa soo jeediyay horaantii bishan in Sanduuqa wadahadalka laga yaabo inuu furmay, kaddib ka bixitaanka Ruushka ee Koonfurta magaalada Kherson. Laakiin saraakiisha sarsare ee ku dhow Mr. Biden waxay caddeeyeen in aannay u malaynayn in xilligan uu bislaaday wadahadalku.

 

Dagaalka Ukraine, ayaa socday muddo ka baddan Siddeed Bilood, iyadoo Ruushku qabsaday dhul baddan oo Ukraine ah, isla markaana Afar gobol oo ah kuwa ugu khayraadka Baddan ka qaaday Afti, isagoo ku wetdiiyay Aftidaa inay Ukraine ka mdi ahaanayaan iyo inay ku biirayaan Ruushka, waxayna u coddeeyeen inay Ruushka ku biirayaan, wllow Ruushku ciidamadiisa kala baxay gobolka wadnaha ah ee Khorsen.

Hase yeeshee, ka bixitaanka halkaa ayuu ku beddelay inuu duqaymaha Cirka iyo dhulka ku asqeeyay magaalooyinka waaweyn ee Ukraine, taas oo sababtay inuu gebi ahaanba ku burburiyay addeegyada aasaasiga ah, iyadoo duqaymahaasi sababeen in Magaalooyinka Ukraine noqdaan kuwo xilligana jiilaalka adag aan Laydh iyo Biyo jirin.

Araweelo News Desk
Written  by Dr. Ahmed Hassan Salah, Editing by Arraale M Jama.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post