X

Paris: Madaxweyne Geelle Gabadh Uu Dhalay Oo Booliska Faransiisku Baadhay Guri Ay Leedahay

Araweelo News Network.

Paris (ANN) Booliska Faransiiska ee Xafiiska Xafiiska Dhexe ee Xakamaynta Dambiyada Maaliyadeed ee Daran, ayaa hawlgal baadhitaan ku sameeyay guri ay leedahay gabadh uu dhalay Madaxweynaha Dalka Djibouti Ismail Omar Gelle.

Madaxweynaha Faransiiska Emmannel Macron iyo Madaxweynaha Djibouti ismail Omar Gelle Paris November 2019, Image File, Araweelo News Network.

Goobta baadhista lagu sameeyay ayaa ah guri ku yaalla magaalada Paris oo ay leedahay mid ka mid ah laba gabdhood uu dhalay Madaxweyne Ismail Omar Gelle, iyadoo baaritaankan uu qayb ka yahay baadhitaan uu furay xeer ilaaliyaha qaranka dawladda Faransiiska ee maaliyadda.

Baadhitanka ayaa yimi sida lagu shaaciyay  Axaddii bogga hore ee Chalenges oo ah joornaal ganacsi oo toddobaadle ah oo xaruntiisu tahay Paris, isla markaana luqadda Faransiiska lagu daabaco, iyadoo ay muddooyinba socdeen baadhitaano lagu samaynay carruuraha ay dhalaan Madaxda Afrikaanka ee dalalka Faransiisku guumaysan jiray, kuwaas oo awoodda xukunka ku booba hantida bulshada, isla markaana uga faa’idaysta xunka ay Aabayaashood gacanta ku hayaan.

Wuxuuna hawlgalka baadhitaanka gadha uu dhalay Madaxweyne Gelle daba socday, iyadoo dhowr carruur ah oo uu dhalay Madaxweynihii hore ee dalka Gabon Omar Bongo hadda lagu soo oogay dacwad.

Kiiska xilligan dawladda Faransiisku bilawday ayaa noqonaya kii labaad ee Madaxweyne Afrikaan ah lagu beegsado carruurtiisa, kuwaas lala xidhiidhay in ay jiraan tuhuno musuqmaasuq iyo faa’iidooyin macaash maaliyadeed oo si xun loo helay, wallow aan si weyn loo shaacin, balse kiisaska baadhistu la xidhiidhaan.

Sida laga soo xigtay saraakiisha Booliska ee Xafiiska Dhexe ee Xakamaynta Dambiyada Maaliyadeed ee Daran oo loo soo gaabiyo (OCRGDF) guriga gadha uu dhalay Madaxweyne Ismail Omar Gelle ee la baadhay ayaa ah guri dabaq ah oo ku yaala rue Jean-Richepin, oo ku taal xaafadda 16aad ee Paris, oo ay leedahay gabadha uu dhalay Madaxweynaha Dalka Djibouti, waxaana dhagaysiyada dacwaddaha la filayaa in ay dhacaan dhamaadka sannadka ee bilaha soo socda marka lasoo xidho baadhitaanada socda ee ay wadaan Booliska Faransiisku.

Arrintan, ayaa si toos ah u khusaysa Madaxweynaha Dalka yar ee Djibouti oo ku yaal geeska Afrika Ismail Omar Gelle oo magaciisa loo soo gaabiyao “IOG”, kaas oo talada dalka haya tan iyo 1999-kii, isla markaana dib loo doortay mar shanaad 2021, isaga oo helay 98.6% codadkii la dhiibtay, balse aannay jirin cid la tartantay, kaddib markii ay mucaaradka oo ah kuwo aan awood lahayn qaadaceen doorashada, iyagoo sabab uga dhigay in aanay marnaba caddaalad u dhacayn doorashadu oo aannay waxba ka duwayn doorashooyinkii hore ee ay ku eeddayn jireen inuu ku shubtay Madaxweyne Gelle.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post