X
    Categories: Warar

Pakistan Oo Ka Digtay Dagaalka Maraykanka Iyo Xulufada Sucuudigu Ka Hurrinayaan Mandaqada Ee Ka Dhanka Ah Iran

Prime Minister of Pakistan Imran Khan in Islamabad, Pakistan on 17 February, 2019 [Bandar Algaloud/Saudi Kingdom Council/Handout/Anadolu Agency]

Islamabad(ANN)-Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Imran Khan, ayaa ka digay khatarta ka jirta gobolka Khaliijka, kadib markii uu booqasho ku tagay Islamabad wasiirka arrimaha dibadda ee Iran Javad Zarif, taas oo kusoo beegantay xili ay sii xoogaysanay xiisad ka dhex abuurantay Washington iyo Tehran, sida laga soo xigtay Reuters.

Xiisada u dhaxaysa Iran iyo Maraykanka, oo ah taageeraha ugu weyn Sucuudiga, ayaa sii korodhay kadib markii xamaasada gobolka Iran ee Sacuudi Carabiya, ay sii kululeeyeen weerarkii bishan ka dhacay halkaa ee lala beegsaday maraakiib shidaal ah oo maray Biyaha dalka Imaaraadka, iyadoo xukuumadda Washington ku eedeeysay Iran, walaw ay xukuumadda Iran ganafka ku dhufutay arrintaa oo ay ku tilmaantay tallaabo la doonayo in collaad lagaga huriyo gobolka oo ay wadaan waxay ku tilmaantay Maraykanka iyo Canaasiirtiisa.

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Imran Khan oo raadinayay in uu hagaajiyo xidhiidhka u dhaxeeya dalka Iran ee deriska la ah, ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay “xiisadaha sii kordhaysa ee Gacanka”, balse Mar Khan si gaar ah uma magacaabin Mareykanka amma Sacuudi Carabiya.

Khan, wuxuu hoosta ka xariiqay in dagaalku aannu ahayn xal lagu xaliyo mushkiladaha iyo dhibaatooyinka, wuxuuna sidaa ku sheegay war saxaafadeed uu soo saaray jimcihii todobaadkan.

Dhinaka kale dalalka Mandaqada iyo dunida kale, ayaa ka werwersan xaalada sii xumaanay ee Washington iyo Iran, iyadoo Kongarasku xaqiijiyay in Xukuumadda Trump ay todobaadkan ciidamo dheeraad ah u dirtay dalalka Khaliijka .

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post