X
    Categories: Warar

Odayaasha Iyo Culimada Dhex-dhexaadinta Xukuumadda Iyo Mucaaradka Oo Hawshii Ay Ku Jireen Kusoo Gunaanaday Baaq Soo Jeedin Ah

Mid ka mid ah Culimada ioo u hadlay guddiga dhex-dhexaadinta.


Hargeysa(ANN)-Guddiga dhex-dhexaadinta ka waday Xukuumadda iyo Xisbiyada mucaaradka Somaliland, ayaa ayaa shaaciyay natiijada hawshii ay ku jireen tan iyo markii uu khilaafku ka dhashay arrimaha muddo-kordhinta iyo Komishanka doorashooyinka.
Guddigaa oo labada dhinac ee Xukuumadda iyo Axsaabta mucaaradka u kala dab-qaadayay, ayaa maanta shaaciyey qodobbo ay ku taliyeen oo ay u arkeen xal, kuwaas oo ah soo jeedin, balse aan ahayn heshiis ay kaga dhex-dhaliyeen dhinacyada oo lagu soo afjarayo khilaafkaa.
Xubnaha Guddigaa, oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay dhinacyada usoo jeediyeen in la kala diro guddiga khilaafku ka taagnaa ee Komishanka doorashooyinka oo kala dhantaalan, kuwaas oo Xisbiga WADDANI, diiday inuu gudbiyo xubintii laga sugayay.

Odayaasha iyo Culimada ku jiray dhex-dhexaadinta khilaafka Xukuumadda iyo Axsaabta Mucaaradka Somalialnd, 16 Dec, 2019, Araweelo News Network.


Guddiga oo ka kooban Culimo, Odayaal iyo ganacsato, ayaa soo jeedintooda ku daray in lasoo celiyo Komishankii hore ee doorashooyinka ee xafiiska warejiyay dhiwaan, sidoo kale waxay soo jeediyeen in mudda-kordhinta labada sannadood ee ay golaha guurtidu kordhiyeen dib loogu noqdo oo ay ka wada hadlaan dhinacyadu sidii doorasho loo qaban lahaa.


Soo jeedintooda, waxa kale oo ay ku sheegeen in Xisbiyada Mucaaradku ay joojiyaan dhawaaqyada ay xukuumadda ku dhaliilayaan iyo ficilo ay sheegeen inay nabadgelyada wax u dhimi karaan.

AKHRI: Mucaaradka Oo Ka Dhabeeyay In Aanay La Kulmayn Madaxweyne Biixi Iyo Faysal Oo U Duulay Kenya


Xukuumadda iyo Hoggaamiyayaasha labada Xisbi ee Mucaaradka ayaan ka hadlin soo jeedintan oo soo baxday kadib markii axsaabta mucaaradka ee WADDANI iyo UCID, ku gacan-saydheen kulan Madaxweyne Biixi ugu baaqay oo la xidhiidhay sidii looga wada hadli lahaa khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka ee Komishanka iyo muddo-kordhinta golaha wakiiladda iyo guurtida.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post