X
    Categories: Warar

Obama oo Shaaciyey Maalintii ugu Adkayd ee soo Marta Intii uu Maraykanka Hoggaaminayey

Araweelo News Network

Washington(ANN)-Madaxweynaha dalka Maraykanka ee xilkiisu sii dhammaanayo Mr. Barack Obama, ayaa shaaciyey maalintii ugu adkayd ee soo martay muddo 8 sannadood ah oo uu dalkaas oo hoggaaminayey.
Obama oo Aqalka Cad taladiisa wareejin doona 20 January 2017, waxa uu sheegay mar lagu waraysanayey barnaamij taxane ah oo lagu soo bandhigay raadadka uu ka tegay (His legacies) in maalintii ugu adkayd ee soo marta intii uu Madaxweynaha Maraykanka ahaa ahayd 2012 mar uu la kulmay waalidiinta ubad lagu xasuusay dugsiga hoose oo lagu magacaabo Sandy Hook Elementary School .
“Waxa aan wali u aqoonsanahay maalintii aan u safray magaalada Newton si aan ula kulmo waalidiinta, bulshadaasna ula hadlo in ahayd maalintii ugu adkayd intii aan Madaxweynaha ahaa. Waa markii iigu horraysay ee aan waligay arko ciidanka sirdoonka oo ilmaynaya intii dhacdadu socotay. Waxay ahayd wax aad u argagax leh,” ayuu ku yidhi Obama waraysi dhowaan laga qaaday oo si rasmi ah loo sii dayn doono Janaury 15, 2017.
Maalintaas oo 20 carruur ah dhinteen iyo 6 kale waxa Obama laftiisa ka socotay ilmo, isagoo waliba dadka Maraykanka la hadlayey ayuu si toos ah u ooyey, dhammaan dadkii daawanaayeyna ay la wada ilmeeyeen.
Sidoo kale, horraantii January ee sannadkii hore wuu ooyey Brack Obama mar uu ku dhawaqaayey go’aan maamulkiisu dib-u-eegis ugu sameeyey haysashada hubka fudud ee dadlkiisa.
“Mar kasta oon xasuusto carruurtaas waan ooyaa oo waalli baan ku dhawaada,” ayuu Obama yidhi January 5, 2016.
“May ahayn oo kaliya waalidiinta, waad leedahay walaalo, waad og tahay, waa 10 jir, 8 jir iyo 3 jir cidda ay dhacdadaas ku dhacday, xataa ma fahamsana in walaalahood amma walaashood aanay dib guriga ugu soo noqonayn,” ayuu markale ku yidhi waraysi uu siiyey weriye lagu magacaabo Anderson Cooper oo ka tirsan telefishanka CNN.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post