X
    Categories: Warar

Obama oo Booqon Doona Magaalada Hiroshima ee Maraykanku Nukliyeerka ku Dhuftay 1945-kii

Araweelo News Network
Madaxweyne Barack Obama, ayaa booqan doona magaalada Hiroshima ee dalka Japan dhammaadka bishan lagu jiro ee May, magaaladaas oo ah goob Maraykanku ku dhuftay qumbuliyad xambaarsan hubka nukliyeerka sannadkii 1945kii, iyadoo arrintaasi gacan ka gaysatay inuu dhammaado dagaalkii labaad ee ka socday adduunka.
Aqalka Cad ee looga taliyo dalka Maraykanka, ayaa ku dhawaaqay in madaxweyne Obama noqon doono madaxweynihii u horreeyey ee isaga oo xilka haya safar ku taga magaalada Heroshima, safarkaas oo qayb ka ah loollanka madaxweynuhu kaga soo horjeedo in hubka nugliyeerka ah ku faafo adduunka.
“Waxaannu aaminsanahay in ay tahay waqtigii ugu habboonaa ee Maaxweynuhu booqan lahaa magaaladaas iyo goobo kale oo cibaado,” ayuu yidhi Ku-xigeenka La-taliyaha Ammaanka Qaranka ee Maraykanka Mr. Ben Rhodes oo la hadlay saxaafadda shalay.
Booqashada madaxweyne Obama oo ku beegan 27 May 2016, ayaa la rajaynayaa inuu istaago barxaddii lagu galay heshiiskii la odhan jiray Hiroshima Peace Memorial, halkaas oo uu dareenkiisa kula wadaagi doono shacabka si uu u muujiyo muhiimadda goobtan u lahayd nabadda adduunka, sida uu sheegay Mr. Rhodes.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Mr. John Kerry, ayaa booqasho uu ku tagay dalka Japan bishii April ee sannadkan, waxa uu ku sheegay in madaxda adduunku booqan doonaan goobta taariikhiga ah, una ololayn doono inuu Obama yimaad.
Dawladda Maraykanka ayaa laba bambo oo nukliyeer ah ku riday 6 iyo 9 August 1945-kii magaalooyinka Hirshima iyo Nagasaki ee dalka Japan, taasoo ahayd waxyaabihii dagaalka 2aad ee adduunka soo gebagebeeyey. Bambooyinkan waxa ay dileen dad lagu qiyaasay ilaa 129,000 (boqol, sagaal iyo labaatan) qof oo reer Japan ah, kuwaasoo jawaab u ahaa weeraro diyaaradaha waddanka Japan ku qaadeen deked ay isticmaali jireen ciidanka Maraykanku, halkaasoo lagu burburiyey maraakiib iyo doonyo badan oo Maraykanku lahaa, isla markaana lagu dilay askar iyo muwaaddiniin Ameerikaan ah.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post