X
    Categories: Warar

Nuxurka Dhanbaal Madaxweynaha Somaliland U Diray Dalka Kuwait

Berbera(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo ku sugan maalintii labaad magaalada Xeebta ah ee Berbera, ayaa dhanbaal hanbalyo ah u diray Dawlada Kuwait.
Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, waxa dhanbaalkaa oo ahaa mid kooban lagu yidhi, “ Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, isaga oo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu Dhambaal Hambalyo ah u dirayaa Dawlada Kuwait oo u dabaal degidoonta (25/02/2015), sannad guurada ka soo wareegtay Maalinta Qaranimada Kuwait awgeed.

Madaxweynuhu waxa uu dhambaalkiisan Hambalyada ah u dirayaa Amiirka kuwait Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah iyo guud ahaan shacbiga kuwait oo ah dal iyo dad ay innaga dhaxayso xidhiidh walaaltinimo oo soo jireen ah.

Ugu danbayna waxa uu Madaxweynuhu dawlada iyo sahcbiga reer Kuwait Alle uga baryayaa inuu sanadkan sanadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash barwaaqo iyo Rayn-rayn.” Ayaa lagu ydhi Dhanbaalka Madaxweyne Siilaanyo.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post