Araweelo News Network

Somali- Mogadushu(Maxkamadda ciidamada ee Soomaaliya ayaa saaka dil ku fulisay Xasan Xanafi Xaaji, oo ku eedaysnaa inuu ku lug lahaa dilal mudo hore loo gaystay suxufiyiin ka shaqayn jirtay magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia.

Xasan Xanafi oo lagu eedeeyay inuu dilalkaa qorshaysan ku fuliyay wetiyayaasha, ayaa ka mid ahaa suxufiyiinta ka hawlgala magaalada Mogadsihu ka hor intii uu ku biirin kooxda Al-Shabaab, waxay maxkmadda Milateriga Somalia ku xukuntay dil toogasho ah 3 March 2016, kaas oo lagu fuliyay maanta.

Waxaana dilkiisu oo saaka ka dhacay Fagaaraha School policeia ee magaalada Mogadishu, goob joog ka ahaa saraakiisha Maxkmadda Milateriga iyo xeer ilaalinta oo war bixiyay heerarkii uu soo maray kiiska dacwada Xasan Xanafi.
Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamadda Milateriga Cabdullaahi Maxamed Xuseen, ayaa sheegay in Xasan Xanafi lagu helay dhamaan dacwadihii lagu soo oogay sidaana lagu toogtay.
11 April 2016, isla markaana loo qisaasay Sheekh Nuur Maxamuud Abkey oo ahaa Tafaftirihii Wakaaladda Wararka SONA, marxuumkaa oo 4 May 2010xeer ilaaliyuhu sheegay inuu gacantiisa ku toogtay Xasan Xanafi Xaaji Cabdisalaan oo 28 jir ah.

Laba maalmood ka hor waxa sidan oo kale loogu toogtay fagaarahan laba nin oo dhalinyaro ahaa kuwaas oo ku eedaysnaa inay dileen Gabadh weriye ee la odhan jiray Hindiyo Xaaji Maxamed, oo la qarxiyey xilli ay soo baxday jaamacad ku taal Muqdisho, iyadoo horena loo dilay ninkeedii oo isna ahaa suxufi sannadkii 2012.