X
    Categories: Warar

Nin Masri Ah Oo Naftiisa Ku Waayay Muran Ka Dhashay Qiimaha Koob Shaah ah Iyo Dadweynaha Masar Oo Ka Geddooday

Araweelo News Network

Qahira(ANN)Boqollaal qof oo Masaari ah ayaa ka gadooday fal uu ku kacay askari boolis ah, kadib markii uu toogtay nin shaahle ah oo ay isku af-dhaafeen qiimaha koob shaah ah oo uu cabbay, halka uu laba ruux oo kalena dhaawacay.
“Waqti boolisku goobta wareegayey ayaa muran ka dhex dhacay sarkaal iyo nin shaahle ah oo ay isku maandhafeen qiimaha shaaha.” Sidaa lagu yidhi war-murtiyeed Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Masar ka soo baxay.
Askariga falkan ku kacay isla markiiba waa la xidhay sida ciidammada ammaanku sheegeen, balse muuqaallada waxa ka muuqday boqolaal qof oo gadoodsan oo ku xoomay gaadhi boolis, kuwaasoo ku qaylinayey erayo ay ka mid ahaayeen “Boolisku waa budhcad.”
Ciidammada booliska Masar, ayaa kooxaha xuquuqal-insaanku ku eedaynaayeen muddooyinkii u dambeeyey inay jidh-dil kula kacaan dadka ay qabtaan, halka qaar kale oo xukuumadda ka soo horjeedayna meel ay jaan iyo cidhib dhigeen la waayo.
Madaxweynaha Masar Mr. Cabdelfattah As-Sisi, ayaa barlamaanka ka codsaday in wax-ka-beddel lagu sameeyo oo sharciga booliska oo la adkeeyo qaybta ciidammada bilayska ka horistaagta inay xadgudub ku kacaan, taas oo ka danbaysay kadib muran dhexmaray booliska Qaahi iyo Maxamed Ali Sayed Ismail Bishii February, kaas oo ahaa muwaadin tagsiile ah.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post