Araweelo News Network

shaahQahira(ANN)Boqollaal qof oo Masaari ah ayaa ka gadooday fal uu ku kacay askari boolis ah, kadib markii uu toogtay nin shaahle ah oo ay isku af-dhaafeen qiimaha koob shaah ah oo uu cabbay, halka uu laba ruux oo kalena dhaawacay.
“Waqti boolisku goobta wareegayey ayaa muran ka dhex dhacay sarkaal iyo nin shaahle ah oo ay isku maandhafeen qiimaha shaaha.” Sidaa lagu yidhi war-murtiyeed Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Masar ka soo baxay.
Askariga falkan ku kacay isla markiiba waa la xidhay sida ciidammada ammaanku sheegeen, balse muuqaallada waxa ka muuqday boqolaal qof oo gadoodsan oo ku xoomay gaadhi boolis, kuwaasoo ku qaylinayey erayo ay ka mid ahaayeen “Boolisku waa budhcad.”
Ciidammada booliska Masar, ayaa kooxaha xuquuqal-insaanku ku eedaynaayeen muddooyinkii u dambeeyey inay jidh-dil kula kacaan dadka ay qabtaan, halka qaar kale oo xukuumadda ka soo horjeedayna meel ay jaan iyo cidhib dhigeen la waayo.
Madaxweynaha Masar Mr. Cabdelfattah As-Sisi, ayaa barlamaanka ka codsaday in wax-ka-beddel lagu sameeyo oo sharciga booliska oo la adkeeyo qaybta ciidammada bilayska ka horistaagta inay xadgudub ku kacaan, taas oo ka danbaysay kadib muran dhexmaray booliska Qaahi iyo Maxamed Ali Sayed Ismail Bishii February, kaas oo ahaa muwaadin tagsiile ah.