X

NATO Oo Jarmalka Ku Qancisay Inuu Hub Culus U Diro Ukraine Iyo Ruushka Oo Poland Iyo Bulgaria Cadhada Kula Dhacay

Tangiyada Jarmalku u dirayo Ukraine Image File Araweelo News Network, 27 April 2022.

Araweelo News Netwrok

Kulanka NATO  Ee Jarmalka Oo Xaaladda Dagaalka Sii Kordhiyay

Maraykanka Oo Ku Dhawaaqay In Ruushka Laga Adkaanayo

Berlin(ANN)-Hoggaamiyayaasha NATO, ayaa sii xoojiyay dagaalka loo caal waayay ee Ukraine iyo Raashka, iyagoo shirka uga socday dalka Jarmalka lagu go’aamiyay in dawladda Jarmalku u dirto Ukraine shixnad hub ah oo ay ku jiraan Taangiyada dagaalka iyo gantaalaha difaaca.

Madaxweynaha Jarmalka Frank Walter Steinmeieron iyo Madaxweynaha Poland Andzej Duda oo ku kulmay Warsaw. 12 April 2022,Image Araweelo News Network.

Tallaabada ay qaaday NATO, ayaa kusoo beegnatay xilli uu Xoghayaha Qaramada Midoobay Antonio Guterres ku wadahadal kula jiray Madaxweyne Vladamir Putin iyo xukuumaddiisa kaddib booqasho uu tegey Salaasadii Moscow, isagoo markaa kaddib uga gudbaya Kyiv si uu ula kulmo Madaxweyne Volodymyr Zelenskyy iyo wasiirkiisa arrimaha Dibedda.

Dadka khuburada ah ee la socda arrimaha siyaasadeed ee xilligan ka alloosan Yurub iyo dagaalka Ruushka iyo Ukraine, ayaa ku tilmaamay tallaabo wax ka beddelay rajadii wadahadalada, isla markaana sii kordhinay xiisadda dagaalka, iyadoo dhinaca kale go’aanku u muuqdo mid si weyn u muujinaya in dawladda Jarmalku bedeshay mawqifkeedii hore ee dagaalka, maadaama ay Taangiyadeeda iyo hubka culus u diray Ukraine oo ay hore u sheegtay in aannay u baahnayn Kyiv hub ee Koofiyado u baahan tahay.

Go’aanka ku dhawaaqista Jarmalka, ayaa timid iyadoo NATO iyo xulafada kale ee reer galbeedka ay ku kulmeen saldhiga ciidamada cirka Maraykanka ee Germany si ay uga tashadaan sidii Ukraine ay isaga difaaci lahayd duulaanka Ruushka, iyadoo dhowaan hoggaamiyaha Jarmalka horaantii April loo diiday inuu booqdo Ukraine.

Maraykanka ayaa kulankaa ka sheegay in Ruushka ugu dambaynta laga adkaan doono wuxuuna ballan qaaday in ay  taageerayaan Ukraine muddo dheer.

Laxidhiidha: Ukraine: Saraal U Hadlay NATO Oo Sheegay In Ukraine Iyo Xullufadu Aannay Marnaba Iska Baacin Karin Ruushka

Dhanka kale Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa wadahadalka uu kula yeeshay Moscow Madaxweyne Putin. Waxa uu sheegay in dagaalkaasi uu yahay mid xadgudub ku ah jiritaanka dalka Ukraine, isla markaana ka soo horjeeda axdiga Qaramada Midoobay.

Laxidhiidha: Maraykanka Oo Wefdi Sare U Diray Kyiv, Ka Hor Booqashada Antonio Guterres Ee Ukraine Iyo Moscow

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa sheegay in uu rajaynayo in xal diblumaasiyadeed laga gaaro colaada, waxa uuna beeniyay in Ruushka uu ku lug leeyahay xasuuqa dadka rayidka ah, laakiin markii ay hoggaamiyayaasha NATO kulankoodii Jarmalka kasoo saareen go’aanka Jarmalku Taangiyada ugu dirayo Ukriane, waxa soo baxday in Ruushka oo ka cadhooday arrintaa laga bilaabo Arbacada 27 April 2022, dalalka poland to Bulgaria ka jarayo gaasta oo aannu ka iibinayn wixii xilligaa ka danbeeya, taas oo xaaladda uga sii daraysa, isla markaana manja-xaabinay dedaalkii xogahayha Qaramada Midoobay Antonio Guterres .

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post