X

Natiijada Hordhaca Ah Ee Doorashooyinka Turkiga

#Araweelo_News_Network.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan oo ku jira loollan addag 14 May 2023, Image File Araweelo News Network

Ankara(ANN)-Natiijada hordhaca ah ayaa muujinay in Recep Tayyip Erdogan ku horeeyo tirada codadka la tiriyay ilaa xilligan doorashooyinka ka dhacay Turkiga.

 

Waxaa jira saddex musharrax madaxweyne oo kala ah Recep Tayyip Erdogan (AK Party), Kemal Kilicdaroglu (CHP), iyo Sinan Ogan (ATA), waxaana aad isugu dhow Erdogan iyo Kemal.

Erdogan (AKP), wuxuu haystaa codadk la tiriyay oo ku dhow kala badh 52.0%, iyadoo dadka codkooda dhiibtay doorashooyinka tiradooda lagu sheegay 64milyan, waxaana la tiriyay 51.03%.

Kemal Kilicdaroglu oo hoggaaminaya mucaaradka, wuxuu loollan addag kula jiray Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan doorashooyinka 14 May 2023, Image File Araweelo News Network

Kilicdaroglu (CHP)  wuxuuna haystaa codadka la tiriyay 42%, halka Ogan (ATA Alliance) uu codadka la tiriyay uu helay 5.3%, Ince (Homeland Party) uu haysto 0.5%. tirada codadka la tiriyay.

Murashax kasta oo xaqiijiya kala badh in ka baddan codadka Madaxweynaha ee doorashada May 14,  ayaa noqon doona guuleystaha. Haddii aannu murrashaxna ku guulaysan, ama xaqiijin karin, waxaa jiri doona wareeg labaad oo u dhexeeya labada murrashax  ee ugu sarreeya laba toddobaad kaddib.

Bishii Ju;y 2018, bil kaddib markii Erdogan uu ku guuleystay madaxtinimada, Turkiga wuxuu ka guuray nidaamka baarlamaaniga ah, isagoo u guuray nidaamka Madaxtooyada, wuxuuna meesha ka saaray jagada ra’iisul wasaaraha. Doorashada madaxtooyada iyo baarlamaanka oo shantii sanaba mar la qabto.

Codbixinta Doorashooyinka Turkiga Oo Kusoo Dhammaatay Loollan Laysku Cidhiidhyay

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post