X
    Categories: Warar

Natiijada Liiska Heer Gobol, Degmo Iyo Goobbeed Ee Doorashadii Madaxtooyadda Somaliland Ee 2017.

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Doorashadii Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ee qabsoonta November 13, 2017, ayaa ka dhacday Lixda Gobol ee Somaliland ka koobantahay.

Komishanka, ayaa hore u shaaciyay natiijada guud ee doorashadda oo uu ku guulaysteen Murrashaxiinta Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Ismaaciil, balse Komishanka, ayaa natiijada heer gobol degmo iyo Goob shaaciyay 06-12-2017

  • Tirada Goobaha codbixintu waxa ay dhamaayeen 1642 Goobood
  • Goobaha Codadkoodii la tirtiray waa 5 Goobood(Lo’ka Arroor, Illinta Dhexe, Isgoyska Sheekh Madar,Qori-Lugud A-2 iyo Qori-Lugud B-2)
  • Goobaha aan laga codeyn waa 1 Goob(968-1 Dheriyo)
  • Goobaha ayna Doorashadu ka dhicini waa 3 Goobood(Damal Cirbiide, Cali Tima Go-go’ane,Surmaanyo)
  1. Tirada Guud ee Codbixiyayaasha :

Waa tirade guud ee sida saxda ah isku diiwaangelisay isla markaana qaatay kaadhadhkii codbixinta Komishankuna u diyaariyey in ay ka qayb qaataan codaynta doorashada Madaxtooyada JSL ee  Nov 13,2017 kuwaas oo dhamaantood loo diyaariyey agabkii ay ku codayn lahaayeen.

  1. Tirada Guud ee ka codaysay goobaha codbixinta:

Waa tirada dadkii ka codeysay goobaha doorashada wakhtigii lagu gudda jiray  Doorashada Madaxtooyada ee inoo qabsoontay 13 November 2017

Waxaa Goob kasta oo Doorasho ka coddeeyey Hawlwaddeenada KDQ iyo Amniga ee ka hawl galaayey goobaha doorashada sida uu xeerka Doorashada Madaxtooyadu  XeerLr 20/2001 uu dhigaayo

  1. Tirada Codadka Xumaaday

Sida ku cad xeerka doorashooyinka Madaxtooyada  iyo Golayaasha Deegaanka Xeer Lr. 20/2001, Waraaqaha cod-bixinta ee la tiriyey waxay noqonayaan waxba kama jiraan haddii:-

  • Haddii warqadda cod-bixinta ay ka muuqdaan qoraal ama calaamado ama raad si xirfad leh loo soo agaasimay oo aan loogu talagelin in lagu qoro
  • Hadii warqadda cod-bixinta aanay si fiican uga muuqan Karin Xisbiga codka la siiyey oo la aqoonsan kari waayo
  • Hadii warqadda cod-bixinta ay ka muuqato in cod-bixiyuhu calaamadeyay hal astaan Xisbi wax ka badan.
  • Tirada codadka lagu muransanaa hadaan lagu xalin heer Degmo ama heer Gobol waxaa loo aqoonsaday in ay yihiin codad xumaaday
  1. Tirada Codadka Ansaxay:

Waa tirada codadkii sida saxda ah loogu codeeyey Sadexda Xisbi Qaran kuwaas oo Komishanka doorashooyinku u aqoonsadeen in ay yihiin codadkii ansaxay.

Halkan Hoose Riix.

Final-PollingStation-Results

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post