X

Natiijada Doorashada Xildhibaanada Gollaha Wakiillada Ee Gobolka Sool Magacyada Mudanaayasha Iyo Codadka

Guddoomiyihii Guddida Doorashooyinka Gobolka Sool, Cabdullaahi Maxamed Shire (Labagole) Image File Araweelo 3 Jun 2021.

Araweelo News Network.

 

#Natiijada Laascaanood(ANN)-Natiijada Gollaha Wakiillada Somaliland ee Laascaanood ee lagu dhawaaqay, waxaana ka muuqata natiijada hordhac ah in laysku muquuniyay cod oo loolan adag uu saddexda Xisbi ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID, ku dhexamay gobolka Sool.

Natiijada hordhaca ah ee ay shaaciyeen Guddida doorashooyinka Qaranka, ayaa lagu xaqiijiyay xildhibaannada ku soo baxay doorashada Golaha Wakiillada ee Gobolka Sool, taas oo gonolka Sool ka dhigaysa gobolkii u horreeyey ee natiijadiisa la shaaciyay.

Tirada xildhibaannada Gollaha Wakiillada guud ahaan Gobolka Sool laga doonayo in ay ka mid noqdaan 82 xubnood ee gollaha wakiilladu ka koobanyahay, ayaa noqonay 12 xildhibaan, waxayna natiijada hordhaca ah muujinay in xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye oo helay shan xildhibaan, xisbiga Waddani oo ku soo xiga codadka ayaa helay Afar xildhibaan halka xisbiga UCID helay saddex Xildhibaan.

Tirada Codadka ay kala heleen iyo sida ay xildhibaanada saddexda Xisbi u kala horeeyaan.

Magacyada Xildhibaannada Xisbiga Kulmiye

1- Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon oo helay codad gaadhaya  4,456.

2- Mukhtaar Ibraahim Caashi di Cilmi oo helay  codad gaadhaya,  2,544.

3- Saleebaan Maxamed Faarax oo helay codad gaadhaya 2,486

4- Mustafe Axmed Cabdilaahi oo helay, codad gaadhaya,  2,439

5- Axmed Xasan Cali Casoowe oo helay, codad gaadhaya, 2,269

Magacyada Xildhibaannada Xisbiga Waddani

1- Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo helay codad gaadhaya, 3,472.

2- Axmed Muuse Jaamac Diiriye oo helay, codad gaadhaya, 3,434.

3- Bile Cabdi Ducaale Samatar oo helay,  codad gaadhaya, 2,340.

4- Qaasim Aadan Saleebaan Cali oo helay, codad gaadhaya, 1,922 .

Magacyada xildhibaannada u soo baxay Xisbiga UCID

1- Maxamuud Xayir Ducaale Diiriye oo helay,codad gaadhaya, 2, 986.

2- Abokor Faarax Warsame oo helay, codad gaadhaya , 2, 712.

3- Axmed Jaamac Saalax oo helay, codad gaadhaya  1,565 .

Murrashaxiinta Golaha Wakiillada ee Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, ayaa gobolka Sool ka helay codad gaadhaya, 26,842, halka murrashaxiinta Xisbiga Waddani ay ka heleen codad gaadhay, 19,292. murrashaxiinta Xisbiga UCID, ayaa wadarta codadkiisu kusoo ururen 16,946 cod.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post