Nonmember 9 1953 waxa geeriyooday Boqor Cabdicasiis Aal Sucuud, oo ahaa aasaasihii dawladda Sucuudiga oo uu dhismaheeda bilaabay 1902 ilaa kama dambaystii uu ku dhawaaqay dhismaha boqortooyada Sucuudi Carabiya 1932.
Cabdicasiis Aal Sucuud wuxu Jeeniweri 1876 ku dhashay magaalada Riyaad oo qoyskoodu ka talin jiray, laakiin waxa maamulkoodii jabiyey qoys kale oo la odhan jiray Aal Rashiid oo xukumi jiray magaalada Xaa’il oo ku taal gobolka Najd oo loollan ka dhaxeeyey. Waxaanay isaga oo aan toban jir gaadhin qoyskoodii ka qaxeen Riyaad.
Aabihii Cabdiraxmaan Bin Faysal Bin Turki Aal Sucuud wuxu ahaa Imaamkii ugu dambeeyey dawladdii labaad ee Sucuudiga hooyadiina waa Saara Bin Axmed Al-Kabiir Bin Maxamed Bin Turki Bin Salmaan Al-Sidayri.
Dhismihii Boqortooyada
Sannadkii 1902 ayuu isaga oo ciidan 60 nin ah wata ka baxay Kuwait waxaanay raggaasi isugu jireen taageerayaashiisa iyo qaraabadiisa. Wuxuu weerar ku qaaday magaalada Riyaad oo uu ku guulaystay in uu qabsado oo dadkii deganaana kula mubaayacoodeen in uu Amiirkooda noqdo.
Bishii Sibtember 1904 ayuu dagaal ka dhacay Alshanaana kaga guulaystay ciidankii Aal Rashiid, waxaanu gacanta ku dhigay magaalada Qasiim ka dibna waxa uu maamulkiisa ku fidiyey gobolka Najd badidiisa.
Sannadkii 1912 waxa la aasaasay dhaqdhaqaaqa Ikhwaan-ka oo caqiiqadiisu tahay Wahaabi, kaas oo degdeg u fiday, waxaana taageero weyn siiyey Cabdicasiis qudhiisa.
Sannadkii 1913 ayaa Cabdicasiis oo wata ciidamadiisu u ruqaansaday dhanka Al-Ixsaa waxaanu ku guulaystay in uu Cismaaniyiintii ka qabsado.
Sannadkii 1921 ayaa ciidan uu wato Amiir Faysal Bin Cabdicasiis waxay qabsadeen gobolka Casiir.
Bishii Sibtember waxa u suurto gashay inuu magaalada Xaa’il oo ahayd qalcaddii ugu dambasay ee ay haysteen reer Aal Rashiid qabsado waxaanu si buuxda gacanta ugu dhigay gobolka Najd. Isla sannadkaa ayaanu Cabdicasiis isku caleemo saaray Suldaanka Najd.
Dhanka Xijaas marka la eego, xidhiidhkii uu lalahaa Shariif Xuseen Bin Cali oo xukumi jiray wuxu ahaa mid dhibaato badan.
Hase yeeshee ciidankii Aal-Sucuud waxa uu galay magaalada Daa’if iyo Makka sannadkii 1924 laakiin waxa difaac adag galay ciidamadii Jiddah joogay oo ciidamadiisu go’doominayeen ilaa 17 Diisember 1925.
Isla sannadkii 1926 ayaa Cabdicasiis lagula mubaacayooday Xaramka dhexdiisa in uu noqdo boqorka Xijaas.
Dawladdii iyo kacdoonkii Ikhwaanka
Duruufihii siyaadadda dunida ee waagaa jiray awgood oo Ingiriisku fadhiismo kaga samaystay xeebta Khaliijka Carbeed, ayaa suurto geliyey in Cabdicasiis Aal Sucuud dhidibada u sii aaso dawladiisii oo uu casriyeeyo si ay ugu suurto gasho in uu uga hortago Ikhwaankii ay isbahaysiga lahaayeen ee diiday in ay joojiyaan duullaanadii ay ku qabsanayeen dhulkii jasiiradda carbeed. Waxaany arintaasi keentay in ay isku dhacaan labadii garab.
Sababtu waxay ahayd in Cabdicasiis isagu wuxu aqoonsanaa xuduudaha Ciraaq, Kuwait iyo Urdun oo ay Ikhwaan ku diidanaayeen.
Waxaanay weerarro ku qaadeen Ciraaq iyo Kuwait, waxaanay sidoo kale diideen amarkii dawladda markii la qabsaday gobolka Xijaas oo ay u arkayeen dhaqammo ka jiray kuwo aan diinta ku salaysnayn oo ay tallaabo aan maamulku ogolayn ka qaadeen.
Ikhwaan ku waxay diideen in ay u hogaansamaan amarkii Cabdicasiis ee ahaa in aan laga tallaabin xuduudda oo aan la weerarin Ciraaq iyo Kuwait, waxaanay taasi keentay in ay labada dhinac dagaal gorrodda isku daraan goobta la yidhaa Al-Sulfaa bishii Maarij 1929 halkaas oo lagu jabiyey Ikhwaan kii oo ay u baxsaneen dhanka Kuwait oo ay isku dhiibeen ciidamadii Ingiriiska ee halkaa joogay.
Magacii dawladda ee ilaa 1921 ahaa Imaaradda Najd iyo Ixsaa waxa loo bedelay Saldanadda Najd ilaa sannadkii 1922 ilaa markii dambe sannadkii 1932 si rasmi ah loo shaaciyo taabbo galka Boqortooyada Sucuudi Carabiya.
Waxaana Cabdicasiis Aal Sucuud lagu taxay magacyo badan oo uu ka mid yahay Napoleon kii Carabta iyo Bqorol Saleebaankii cusbaa.
Xigasho: BBC