X
    Categories: Warar

“Nabadda Aynu Haysano Qaarbaa ku Daaca-Qudhmay, Xaalad Deg-Deg Ah Waa Dalkaygu Nabad Maaha, Baashena Maradaa Ka Dhacday” Eng. Faysal Cali Waraabe

Eng. Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay xaaladda deg-dega ah ee xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Muuse Biixi todobaadkii hore u gudbisay labada gole, kuwaas oo  ganafka ku dhuftay in xaalada deg-deg ah lagu soo roggo deegamada gobolka Sanaag, taas oo uu sheegay in ay sawir xun oo nabadgelyo-daro ah ka bixinayso Somaliland.

Guddoomiyaha UCID, Eng. Faysal, ayaa sidoo kale ka hadlay muranka soo jiitamayay ee doorashooyinka Somaliland ee asxaabta oo salka ku haya Komishanka iyo arrimo kale, wuxuuna arrimahaa iyo kuwo kaga hadlay mar uu maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaaladda Hargeysa.

Eng Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay ugu horrayn muranka arrimaha doorashadda, wuxuu sheegay in aanay odhan labada Xisbi ayaa doorasho qabanaya ee waxaanu nidhi, “Doorasho ha la qabto, weligeed waa laysku qaban jiray arrimaha doorashada, laakiin maanta arrimaha waa laynala yeeshay oogamco shisheeye ayaa inagu jira, waana sababta aynu 14 bilood u heshiin weynay,.” Ayuu yidhi.

Guddoomiyuhu waxa uu carrabka ku dhuftay in khilaaf siyaasadda ee ka jira Somaliland salka ku hayo faro-gelin dibadeed oo aanu carrabaabin cidda ay tahay iyo cidda loo adeegsanayo, isagoo sheegay in marar horre oo qadiyada Somaliland meel wanaagsan maraysay rag uu sheegay in ay mujaahidiin iska dhigaan ay odhan jireen hana citiraafina waanu is haysanaaye, waxaanu ku baaqay in la kala ilaaliyo mucaaradnimada iyo Qaranimada.

“Maanta maalin aynu ka wanaagsanahay ma jirto, Ninka doonaya “Muuse fashili, Muuse wuu fashilmayaa, laakiin waa in qaranka loo tudhaa, hadaad madaxtahayna inaad dab shido maaha, amma af qabiil ku hadasho, mucaaradaduna maaha dalkaygaan fool-xumo u samaynayaa, ee waa siyaasad ah, taa aad hayso mid ka fiican ayaan hayaa, Somaliland-na geed ayay ka wada baxday, xeerku wuxuu qorayaa labada Xisbi waxay isku raacaan ayaa soconaya, markaa Xisbi keligii inuu noo digtaytareeyo maaha, Komishankana Crro, wuxuu ku haystaa waa iigu dhaawaqi waydeen, kuwa garoowe tegey ee (Caarre) iyo kuwa Calankii Soomaaliya lasoo baxay waa hadalkii Cirro, ee ahaa maxaa laygu dhawaaqi waayay, doorashadan maantana Kursigiisa maahee, waa dadkii sugayay Tobbanka sannadood in ay xildhibaana noqdaan ayaa diyaar ah.”

Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal, waxa kale oo uu ka hadlay xaalada deg-dega ah ee xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Muuse Biixi todobaadkii horre u gudbisay labada gole, kuwaas oo  ganafka ku dhuftay in xaalada deg-deg ah lagu soo roggo deegamada gobolka Sanaag, taas oo uu sheegay in ay sawir xun oo nabadgelyo-daro ah ka bixinayso Somaliland.

“Low of emergence” waa dalkaygu nabad maaha, markii la yidhi,  saddexdii Degmo ee maamulkeenu ka shaqaynayay Sanaag, waxay noqonaysaa dalka saddex meelood oo laba meelood ayaa ah nabadgelya-daro, waxay ahayd go’aan xun, Baarlamaankii qashinka ahaa waa arkayseen wixii loo sameeyay saasay ahayd inuu xakameeyo fulinta Illaahay ayaa ugu riday, Laakiin dhaqankii Baashe, waxaan Guddoomiye sidaa u dhaqma lama arag, maradaa ka dhacday “Baashe’, lamana arag Nin aan lasoo dooran oo is-xanbaar ah oo guddoomiye u ah Baarlamaan lasoo doortay, dadka ugu baddan ee doonaya in aanay doorasho dhicin waa dadka is xanbaarka kusoo galay iyo kuwa dhaxalka ku yimi, waana kuwa ugu qaylada baddan, Markaa dad ayaa Nabada ku daaca-qudhmay, markaa UCID, aniga iima sina Nin maamulka xumeeyay oo aan leeyahay waar hagaaji iyo Nin doonaya in uu Af-genbiyo.” Ayuu yidhi, Eng. Faysal Cali Waraabe.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post