X
    Categories: Warar

Muxuu Daarnaa Kullan Albaabada Loo Xidhay Oo Madaxweyne Siilaanyo La Yeeshay Garsoorka Maxkamadda Sare Iyo Guddida Caddaalada Somaliland

Muuqaalka Kulanka Madaxweynaha iyo Hay’addaha Garsoorka Somaliland

Hargeysa(ANN)Madaxweyne Siilaanyo, ayaa maanta kulan la yeeshay Garsoorayaasha Maxkamadda Sare iyo gudida Caddaalada Somaliland oo uu xubin ka yahay Wasiirka Caddaalada Iyo Arrimaha Garsoorka.
Kulankaa oo aanay saxaafadu goob joog ka ahayn, waxa markii uu dhammaaday Madaxtooyadu kasoo saartay qoraal oo ay ku xuseen waxyaabaha lagaga hadlay, qoraalkaa ayaa u dhignaa sida:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta kulan dardaaran ah la qaatay garsoorka maxkamadda sare iyo gudidda cadaalada Somaliland oo ay hogaaminayeen Gudoomiyaha Maxkamada Sare Aadan Xaaji Cali Axmed, Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Xuseen Axmed Caydiid, iyo Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Xasan Axmed Aadan kulankan oo ujeeddadiisu ay ahayd sidii loo dardargalilahaa korna loogu qaadi lahaa bahda garsoorka iyo cadaalada.

isla markaana loo xoojin lahaa cadaaladda maadaama oo cadaaladu tahay udub dhexaadka Qaranka iyo bulshadaba.
Waxaana shirkaasi lagaga wada hadlay mudadii uu socday laguna soo qaaday habka ugu fudud ee dadku ay cadaalad ku helikaraan iyo sidii looga hortagilahaa caqabkasta oo wax yeelaysa cadaalada layskuna meel dhigilahaa hanaanka ugu fiican ee bahda garsoorku ay dadka ugu adeegi lahaayeen iyaga oo raacaya shuruucda dalka, daacadna ka ah.

XeerIlaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland oo ka hadlaya kulankaa Bahda Garsoorku la yeelatay Madaxweyne Siilaanyo

Waxaana halkaasi madaxweynaha warbiximo ka siiyey gudoomiyaha maxkamada sare, wasiirka Cadaalada iyo garsoorka, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, iyo weliba xubno ka mida gudidada cadaalada iyo garsoorayaasha maxkamada xubno ka mida.

Madaxweynaha oo shirka soo xidhay ayaa kula dardaarmay una bayaamiyey ujeedada kulankan oo madaxweynuhu sheegay inuu yahay mid ku salaysan ka midho dhalinta in dalku ka sinaado cadaalad iyo garsoor waara oo shacbiga iyo dalkaba ku hogaamiya wanaag, sinaan iyo horumar bulshadu mahadiso.

Waxa madaxweynaha kulankan ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Qaranka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdlaahi Ismaaciil (Saylici) Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo wacyigelinta, Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Mudane Maxamed Muuse Abees iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali.” Ayaa lagu yidhi qoraalkaa.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post