X
    Categories: Warar

Muwaadin U Shahiiday Calanka Somaliland

Badhan

ย 

Badhan (ANN)-Muwaadiniin u dhashay Somaliland oo ka mid ahaa Bulshada ku dhaqan Degmada Badhan ee Bariga gobolka Sanaag, ayaa natiisa ku waayay muujinta dareenkiisa iyo difaaca qaranimadiisa.

Allah ha u Naxariistee Marxuum Maxamuud Ladiif Cismaan oo ka cadhaysan booqashadii madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland Cabdiweli Gaas ku tegey magaalada Badhan ee Bariga gobolka Sanaag, ayaa ka dhiidhiyay booqashadaa, wuxuuna faras Magaalaha la dhex maray Calanka Somaliland ee tawxiidku ku xardhanyahay.

Balse sida ay sheegayaan wararka dadka deegaanka Badhan, waxa muwaadinkaa Xabsiga u taxaabay ciidamo taabacsan Puntland oo ka cadhooday inuu muujiyo dareenkiisa.

Hase yeeshee Marxuum Maxamuud Ladiif ayaa ku geeriyooday Xabsiga, iyadoo aan si cad loo ogayn sababta geeridiisa, balse wararka aan la xaqiijin, ayaa sheegaya in Marxuumku isku deldelay Xabsiga dhexdiisa, waxase jira warar kale oo sheegaya in Xabsiga lagu dilay mudadii uu xidhnaa.

Xukuumadda Somaliland iyo maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaan ka hadlin dilkaa, wuxuuna noqonayaa dilkii labaad ee ka dhaca Badhan maamlmihii u danbeeyay, iyadoo mudadii uu joogay Badhan Cabdiweli Gaas lagu dilay halkaa Suldaan Xasan Cali Jibriil oo ka mid ahaa madaxdhaqameedka deegaanka, kaas oo dilkiisu xiisaad weli ka taagan deegaankaa sababay.

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay safarka Madaxweyne Gaas ee Magaalada Badhan ayaa ku macnaysay mid daandaansi iyo gardarro cad ah oo ay ka fal celin doonato, waxayna dacwad arrintaa la xidhiidha u gudbisay beesha caalamka.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post