X
    Categories: Warar

Muwaadin Mudaharaad Uu Keli Ku Noqday Oo Xanbaarsan Fariimo Lagu Diidanyahay Musuq-maasuqa Ka Dhigay Golaha Wakiiladda Ee Fadeexadu Hogganay

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Muwaadin Magaciisu yahay Maxamed Faarax Qoti oo ah qoraa mawaadiic kala duwan iyo arrimaha xidigista inta baddan wax ka qora, ayaa saaka ku keliyaysatay mudaharaad xanbaarsan fariimo kala duwan oo dareenkiisa uu ku muujiyay sida uu u diidanyahay musuq-maasuqa.
Muwaadinkan, ayaa xarunta dhimaha aqalka Baarlamaanka ee golaha wakiiladda iyo guurtida barxadiisa la galay Kartuun uu sida shaadhka u gashaday oo uu kusoo qoray hal-kudhegyo iyo fariimo uu ku cabirayo dareenkiisa, wuxuuna qaar ka mid ah fariimihiisa ku sheegay inuu taageersanyahay warbixin Xildhibaan Maxamed Cali Obama oo ahaa Guddoomiyihii gudida dabagalka Musuqmaasuqa iyo ilaalinta hantida qaranka kasoo saaray xukuumadda iyo golaha wakiiladda ee uu xubinta ka yahay.

Fariimaha muwaadinka Maxamed Faarax Qoti la tegey golaha wakiiladda Somaliland iyo qaar ka mid ah xarumaha wasaaraddaha saaka ee uu ku xardhay Kartuunka kadibna sida shaadhka u gashaday, ayaa ahaaa sidan: –
1- Waxaanu garab-taaganahay xil-dhibaanada gollaha wakiilada kuwa daacada ah, ee diintooda ,dalkooda iyo dadkoodaba jecel. Musuq-maasuqu ha dhaco

2. Inta Damiirkeena lagu arkayo shaqsi ka dhiidhiya xumaha, wali weynu nool-nahay

3. Haddii dadka daacada ah lagula dhaqmo cadaalad darro kama saarto dadnimada, ee kuwa ku dhaqmaya laftigooda ayey kharibtaa,

4. Haddii si toos ah wax looga qaban waayo dhamaan goobihii musuq-maasuqa lagu sheegay war-bixintii ay soo saareen xildhibaan obama, waxaanu shaacin doonaa mudaharaad.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post