Araweelo News Network

Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi oo ka hadlaya shirkii Caynabo

Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi oo ka hadlaya shirkii Caynabo

Boorama(ANN)Guddoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada madaxweynaha ee xisbigaas Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa fariin garnaqsi siyaasadeed ah u diray beesha caalamka oo uu ku eedeeyey inay Somaliland u dabreen Soomaaliya oo aanay ilaa hadda ka jirin dawlad hanan karta ammaanka magaalada Muqdisho. Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyey xaflad lagu qabtay Jaamacadda Cammuud ee magaalada Boorama, laguna daah-furay diiwaangelinta codbixiyeyaasha ka bilaabi doonta degaannada Gobolka Awdal maalinta Sabtida, waxa uu sheegay in diiwaangelintu tahay garnaqsi ay reer Somaliland hordhigaan beesha caalamka ee sifo sharci-darro ah ugu dabartay madaxbannaanideeda dalka Soomaaliya. “Qolada beesha caalamka nagama qabato ninka gurigiisii xukumi kariwaayey sagaal sannadood (Soomaaliya) ee intaas oo lacag ah ku baxayso inuu Somaliland ina yidhaahdo iyagaa idinku metalaya golayaasha caalamka ee Qaramada Midoobay ama Afrikada aannu jaarka nahay, waxaannu leenahay beesha caalamka ma aqbali karno arrintaasi, xaqna nalooguma laha ee waa dulmi lagu hayo Somaliland,” ayuu yidhi Muuse Biixi. Waxa kaloo uu intaas ku daray; “Deeqbixiyayaasha waxaan leeyahay sida aad u dedaashaan ee mar kasta aad noogala hadlaysaan dimuqraadiyaddii meeday? Doorashadu maxay dib ugu dhacday? Waar shan doorasho ayaanu qabsanay oo madaxdu isku beddeshay oo laba madaxweyne ka mid yihiin, waxaannu qabsanay dalka intaa le’eg ee aad diiddan tihiin oo intuu madaxweynihiisii (marxuum Cigaal) geeriyooday si nabadgalyo ah oo sharci ah uu u beddelay madaxweyne kale (Md. Daahir Rayaale), aftidii dastuurka ayaanu hirgashanay oo aad nala yaabanaydeen, waxa horreeyey toban sanno oo dal burbur iyo dagaal ay ku qaaday dawlad cadow ah oo dadkiisii kala irdhoobay in aannu dib-u-heshiisiin ka soo bilownay tuulo tuulo oo aan kaga dhawaaqnay Burco, kuna soo gabogabaynay shirkii Boorama oo aannu fadhinay shan bilood oo martida ay qabeen reer Boorama oo aannu caalamku waxba inagu taageerin, markaa inta aad dimuqraadiyad ka doodaysaan maxaa diiday Somaliland waxay qabsatay inaad golayaasha caalamka u sheegtaan, dulmiga iyo gardarrada lagu hayo?”

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office Email info@araweelonews.com Jaamac132@gmail.com