Araweelo News Network
Laascaanood (ANN)- Murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga haya talada Somaliland ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ballanqaaday inuu awoodda ugu badan galin doono ilaalinta hantida ummadda iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa haddii lagu doorto doorashada Madaxtooyada ee u qorshaysan 28 bisha March ee sannadkan cusub 2017.
Md. Muuse Biixi waxa uu sheegay in caqabado badan oo dhanka qabiilka ahi hortaagan yihiin la-dagaallanka musuqmaasuqa oo qof kasta oo dambi gala laga dhigayo reer, balse ay xisbigiisa qorshaha ugu jirto in shan sanno ee soo socota awood badan la saaro sidii loo xafidi lahaa hantida ummadda ee dawladdu ka masuulka tahay.
Sidaasna waxa uu ka sheegay kulan ballaadhan oo isaga iyo masuuliyiin ku wehelinaya socdaal uu ku marayey Gobollada bari ee dalka ay dhallinyarada Gobolka Sool kula yeesheen magaalada Laascaanood habeenimadii Axaddii, waxaannu tilmaamo ka bixiyey musuqmaasuqa, dhibaatooyinka ka horyimaada la-dagaallankiisa.
Isagoo arrintaasi ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Musuqmaasuqu waxa uu ka bilaabmaa garta geedka odayaasha reer Miyigu fadhiyaan marka ninku wuxuu ogyahay in inaadeerkii galay uu ka qabanwaayo oo aynaan hore u lahaan jirin, wuxuu ka bilaabmaa marka hantida ummadda ka dhaxaysa nina xalaalashado nina laga xakameeyo ee la dabagaliwaayo, waa dhaqan labaatankii sanno ee u dambeeyey iyo intii ka horreysaba innagu fiday, xukuumaddu waxay bilowday inay la dagaallanto oo waxay samaysay hay’ad la yidhaahdo la-dagaallanka musuqmaasuqa, laakiin weli may yeelan ilkihii iyo awooddii ay ku xakamayn lahayd, sidoo kale Hantidhawrka, haddii Alle yidhaa shanta sanno ee u horreeyey xoogga ugu wayn baynu saari in hantida dawladda siday ahayd loo ilaaliyo, laakiin maxaa ka horreeya? Inteenan caawa wada joogta iyo inta goob walba joogtaa waa hadday ku heshiiyaan, waayo waxaan hubaa maanta haddii inan shaqaale ka ah Laascaanood la yidhaa lacag buu xaday oo la soo qabto in suldaanka, hooyada iyo odayga iyo dhallinyaro cadhaysan oo leh maxaa reerkayaga waxaa loo yeelay inay soo baxayaan, waxa hubaal ah haddii maanta la yidhaa Laascaanood baabuurta oo qudha sharci adag ha loo sameeyo oo booliska iyo dawladda hoose soo qabtaan mid khaldamay in suldaan, dhallinyaro iyo reer gadoodsani odhanayaan maxaa loo taabtay inankayagii, markaa wada soconmaayaan ha la ilaaliyo caddaaladda iyo musuqa iyo inankayaga yaan la taabanin.”
“Halkana waxaynu iska faraynaa musuqa aynu la dagaallano, xisbiyow iyo ninka madaxda ahaw maxaad qabanaysaa? Ninka madaxda ahi wuxuu qabanayaa wixii dadkiisu kula heshiiyo, wuxuu qabanayaa wixii dadkiisu la qabanayo, laakiin haddii aad ka soo horjeedsato oo isaga uun cannaanato ma soconayso,” ayuu yidhi Muuse Biixi.
Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu ku dheeraaday caddaaladda iyo isdhexgalka bulshada, waxaannu dhallinyarada u jeediyey hadallo hogo-tusaalayn ah, isla markaana waxa uu u guud maray qodobo ka mid ah barmaamijka xisbiga KULMIYE uu qorshaynayo inuu ku galo doorashada madaxtinimada dalka si uu mar labaad ugu guulaysto, “KULMIYE wuxuu idiin wadaa qodobadaa in aynu wada qaadanno iyo kuwa ka farcami doona oo aanan halka ka wada akhriyi karayn, dhawaana waxa idin soo gaadhi doonta barmaamijkii doorashada ee xisbiga oo ka kooban boqol iyo dhawr iyo toban bog oo soo bixi doona bishan January dhexdeeda,” ayuu hadalkiisa raaciyey Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi.