X
    Categories: Warar

Doorashada Shirka Golaha Dhexe Ee KULMIYE Daawo

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, isla markaana ah Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo hagaya shirka Golaha Dhexe intii lagu jiray Doorashada Hoggaanka Golaha Dhexe 26 February 2019.

Boorama(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ayaa hagayay shirkii lixaad ee golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo maanta lagu soo gebogeboobay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Hoggaanka Golaha Dhexe ee loo doortay Kulmiye,shirka golaha dhexe ee Boorama 26 Febeury 2019,

Shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo ay ku sugnaayeen 200-xubnood, ayaa waxa ay ugu horrayn xubnuhu gudo galeen ajandihii maanta u ayaallay, waxana ay ansixiyeen 65-xubnood oo cusub, kuwaas oo lagu buuxiyey jagooyin ay banneeyeen xubno siyaabo kala duwan xisbiga uga tegay iyo qaar sharciyadda la waafajiyey oo xisbiga laga saaray.

Xubnaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, ayaa si gaar ah cod ugu qaaday go’aan xisbiga lagaga saaray shan xubnood oo hore xisbiga looga saaray, kaddib ay sharciyadda xisbiga   ka hor yimaaddeen, waxana ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen go’aankaas uu xisbigu hore u gaadhay.

Guddoomiyaha golaha dhexe, ayaa loo doortay xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa oo hore iskaga casilay jagada guddoomiye-ku-xigeenka, kaas oo helay  257-xubnood oo golaha dhexe ah, halka Shariif Abokor Maxamed oo jagadan kula tartamay uu ka helay 13-cod, iyada oo jagada guddoomiye-ku-xigeenka golaha dhexe loo doortay Aqoonyahan Cali Maxamed Cali (Cali Caliyow).

Halkan ka Daawo Muuqaalka Shirka ee Doorashada Hoggaanka Golaha Dhexe .

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post