Boorama(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ayaa hagayay shirkii lixaad ee golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo maanta lagu soo gebogeboobay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.
Shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo ay ku sugnaayeen 200-xubnood, ayaa waxa ay ugu horrayn xubnuhu gudo galeen ajandihii maanta u ayaallay, waxana ay ansixiyeen 65-xubnood oo cusub, kuwaas oo lagu buuxiyey jagooyin ay banneeyeen xubno siyaabo kala duwan xisbiga uga tegay iyo qaar sharciyadda la waafajiyey oo xisbiga laga saaray.
Xubnaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, ayaa si gaar ah cod ugu qaaday go’aan xisbiga lagaga saaray shan xubnood oo hore xisbiga looga saaray, kaddib ay sharciyadda xisbiga ka hor yimaaddeen, waxana ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen go’aankaas uu xisbigu hore u gaadhay.
Guddoomiyaha golaha dhexe, ayaa loo doortay xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa oo hore iskaga casilay jagada guddoomiye-ku-xigeenka, kaas oo helay 257-xubnood oo golaha dhexe ah, halka Shariif Abokor Maxamed oo jagadan kula tartamay uu ka helay 13-cod, iyada oo jagada guddoomiye-ku-xigeenka golaha dhexe loo doortay Aqoonyahan Cali Maxamed Cali (Cali Caliyow).
Halkan ka Daawo Muuqaalka Shirka ee Doorashada Hoggaanka Golaha Dhexe .