X
    Categories: Warar

Muuqaalada Markhaatiga U Noqday Shiqoolada Turkigu Ula Badheedheen Inay Ku Majo-xaabiyaan Qaranimada Somaliland Iyo Xukuumadda Oo Ka Hambaabartay

Afarsuldaanoo Somaliland ah iyo saraakiisha Turkiga Ambasssador Hargeysa

Hargeysa(ANN)Muuqaalo sawiro warbaahinta Somaliland heshay, ayaa kashifay qorshe ay wadeen qaar ka mid ah madaxdhaqameedka Somaliland oo la doonayay in lagu mija-xaabiyo qaranimada iyo jiritaanka Somaliland, kuwaas oo fashilmay markii Suldaan Xiiray oo ka mid ah Madaxdhaqameedka Hargeysa warbaahinta ka sheegay inay Salaadiin ahaan ka qaybgelayan wadahadalada Somaliland iyo Somalia ee dawlada Turkigu mudooyinkan danbe hormoodka ka tahay.

Afarsuldaanoo Somaliland ah iyo saraakiisha Turkiga Ambasssador Hargeysa


Sarkaalka u qaabilsan dawlada Turkiga Xafiiska ay ku leedahay Hargeysa oo ku magcaaban qunsulka guud ee dalka Turkiga u fadhiya Somaliland Mr. Muzaffer Yüksel, ayaa muddooyinkii u danbeeyay waday qorshayaal uu ku fulinayo barnaamijka Midnimadda Soomaaliyeed ee dawladiisu doonayso inay fuliso, kaas uu ka bilaabay gudaha Somaliland, gaar ahaan Caasimadda Somaliland ee xarunta u ah, Hay’addaha dawlada Somaliland iyo Hay’adda Sirdoonka Qaranka oo ku guuldaraystay inay waxba ka ogaan wayaan qorshayaasha shirqoolka ah ee loo maleegayo qaranimada Somaliland, isla markaana cadawga Somaliland ka waddo duleedyada xafiisyada dawlada Somaliland.
Hase yeeshee Warbaahinta Soomaliland, ayaa heshay muuqaalada sawirro qayb ka ah kulamo dhexmaray Salaadiinta Somaliland qaarkood iyo Mr. Muzaffer Yüksel oo ah sarkaalka dawlada Turkiga ugu magcaaban Qunsulka guud ee u fadhiya Somaliland.

Si dhab ah looma ogga waxyaabaha ay kulamadaa kaga wada hadleen Salaadiinta Somaliland ee ka qaybgalay iyo sarkaalka Turkishka ah. sidoo kale lama ogga inta jeer ay dhaceen iyo meelaha ay ku qabsoomeen, balse waxa muuqaalada laga dhex arkay sawirada Suldaan Maxamuud Xiiray oo sheegata Afhayeenka Salaadiinta, isla marlaana waraabinta ka cadeeyay mawqifkiisa la xidhiidha arrimahaa todobaadkan iyo sidoo kale Suldaan Maxamed Cabdulqaadir oo isagu warbaahinta ka sheegay in aanu aqbalayn arrintaa, balse ka muuqda sawirada laga helay kulamadaa.
sidoo kale waxa salaadiinta muuqaalkooda laga dhexgartay kulamadaa ka mid ah Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar iyo saraalka Xafiiska Turkigu ku leeyahay Somaliland ugu sareeya, kuwaas oo kulamada kadib wada galay sawirada la helay.

Dawlada Turkiga Xafiiskeeda Hargeysa, ayaa xili danbe maanta shaaciyay war-saxaafadeed la doonayo in lagu beeniyo inuu jiro qorshe ka dhan ah Somalilland oo ay wadeen iyo inuu jiro Salaadiin ay marti qaadeen oo ka qaybgelaya wadahadalada labada dawladood ee Somaliland iyo Somalia, base qoraalkaa ayaa u muuqda mid lagu dejinayo oo keliya fashilka ku yimi arrintaa, isla markaana madaxa loogu buuxinayo bulshada Somaliland ee masayrkeeda Hargeysa loogu yimi, isla markaana la doonayo in lagu dhaahiyo fashilka ka dhashay qorshahaa.

si kastaba ha ahaatee, waxay arrintan u muuqataa mid wejigabax ku ah haybada karaamada iyo sharafta qaranka, isla makaana Hay’addihii ka ilaalin lahaa cadawga shirqooladan oo kale ka wadda dalka sida hay’addii Sirdoonku inay ka seexdeen hawshoodii, kuwaas oo u muuqda inay awoodi waayeen inay ka war helaan shirqoolka siyaasadeed iyo dhagarta loo maleegayay qaranka Somaliland.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post