X
    Categories: Warar

“Musuqmaasuqu Wuu Naafeeyaa Bulshada, Wuxuu Dilaa Horumarka, Wuxuuna Dhaawacaa Qalbiga, Waa In Lala Dagaallamo,” Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Somaliland

Araweelo News Network


Hargeysa (ANN)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa sheegay in hay’adaha qaranku yihiin cidda qudha ee masuulka ka ah difaaca xuquuqaha bani’aadamka, maadaama ay iyagu bixiyaan xuquuqaha dadku leeyihiin.
Garyaqaan Aadan oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa, isagoo ka qaybgalay munaasibad lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha, waxa uu yidhi; “Difaaca xuquuqaha aadanaha waxa ugu horreeya oo masuul ka ah qaranka, markaa hay’adaha qaranka ayaa xuquuqaha wax difaaca, waxna bixiya, waxna ilaaliya, waana saddexdaas nooc oo innagu had iyo jeer waxaynu eegnaa difaaca oo qudha, waxase ka horreeya in la bixiyo xuquuqaha oo qaranka ayaa laga helayaa shaqo-abuur, adeegyo kale oo fiican oo ay ka mid yihiin xuquuqaha in qofku helo biyo, nabadgelyo, degaan fiican iyo waxyaabaha aasaasiga ah, waxaas oo dhanna waxa bixiya qaranka, markaa inta aan la gaadhin difaaca waxa muhiim ah in la ogaado yaa bixiya xuquuqaha, hay’adaha kala duwan ee qaranka ayaana bixiya, haddii ay tahay garsoorka, xeer-dejinta iyo fulinta, marka ay difaaca noqotana cidda koowaad ee laga filayo waa hay’adaha dastuuriga ah ee qaranka.”
“Marka imminka xaqaaqa lagu xadgudbo ee tusaale ahaan la xado gurigaaga oo la qaatay hantidaada, waxa lagu xadgudbay xaq aad leedahay. Yaa kuu difaacaya? Laga soo bilaabo amniga oo boolisku ugu horeeyo oo baadha, qabanayana, ilaa uu soo gaadhayo Maxkamadda oo hadhaw haddii uu wax ku caddaado iyagu xukumaya.”
“Waxa aannu u mahadnaqaynaa hay’adaha kala duwan ee xuquuqal-insaanka oo wada-shaqayn naga dhexayso, gaar ahaan Komishanka Xuquuqal-insaanka Qaranka Somaliland iyo qaar kale oo ka shaqeeya arrimaha xuquuqal-insaanka, waxaanna naga dhexaysa wada shaqayn joogto ah, wayna noo yimaaddaan, wixii cabasho ahna way noo soo gudbiyaan, albaabada ayaanan u furnay, wayna booqdaan, dacwadahana way fadhiistaan. Guddida Xuquuqal-insaanka Qarankuna shaqo fiican ayey qabteen, horumar badan ayaana ka muuqda, wayna dhismayaan.”

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ayaa sidoo kale ka hadlay la-dagaallanka musuqmaasuqa, waxaannu yidhi; “shalay (maalintii Jimcaha) waxa ay ku beegnayd maalinta la-dagaallanka musuqmaasuqa ee adduunka, haddii aannu nahay bahda garsoorka wax dulqaad ah uma hayno musuqmaasuqa (xero tolerance), dad badan ayaana lagu xidhay musuqmaasuq, waanan kala caydhinay wax alla wixii musuqmaasuqa ahaa. Qof si muuqata ugu dhaqaaqi kara wax musuqmaasuq ah ma jiro, haddii uu dacwad ku doonayo, gardarro ha ku doonayo amma waxa uu doono ha ku doonayee kama jiraan maxkamadaha, dagaal ayaanan la gelaynaa.”
“Dad badan ayaa u xidhxidhan oo hawlwadeenno shaqaynayey ayaa xataa u xidhxidhan, markaa musuqmaasuqu waxa uu naafeeyaa bulshada, wuxuu dilaa horumarka, wuxuuna dhaawacaa qalbiga bulshada, markaa waa in lala dagaallamo, waxaanan ugu baaqaynaa qof kasta oo muwaaddin bulshada reer Somaliland ah iyo beesha caalamkaba haddii aad leedahay xoolo xalaal ah, ha iskaga baabiin xoolo xaaraan ah,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post