X
    Categories: Warar

Mustaqbalka Suuriya Iyo Siyaasaddaha Is Diidan

 

#Araweelo_News_Network..

 

Mustaqbalka Suuriya Iyo Siyaasaddaha Is Diidan

54 sano ka dib waddanka suuriya wuxuu noqday waddan aysan ka talin qooyska Al-Asad. mustaqbalka waddanka suuriya caalamka oo dhan ayaa indhaha ku wada haya. Qaramada midoobay, iyo waddamada adduunka oo dhan waxay ku talinayaan in xalka waddana suuriya uu yahay xukuumad loo dhan yahay oo ay ka kooban yihiin qoowmiyadaha kala isirka iyo diimaha duwan ee waddanka suuriya si loo helo suuriya oo ammaan ah.

MOOWQIFKA SUURIYA EE MIDOWGA YURUB.

midowga yurub ayaa sheegay inaysan ku deg degi doonin aqoonsiga jabhadda Taxriiru Shaam, waxayn sabab uuga dhigeen ururkaasi oo ay maamulaan rag ay ku eedeeyeen argagixsanimo. sidoo kale midowga yurub ayaa sheegay inaysan ku deg degi doonin aqoonsiga dowladda suuriya haddii aan nidaamka siyaasadeed ee Jabhada Taxriir shaam aan wax laga beddelin.

CIIDANKA RUUSHKA.

hal xidhaalaha uugu weeyn waa joogitaanka ciidanka Ruushka ee dalka suuriya, dowladda cusub ee suuriya ma waxay ku dhawaaqi doontaa in ciidanka Ruushku waddankooda iuga baxo, maadaama Ruushku uu taageero weeyn oo militeri u siiyey madaxweeynihii talada laga tuuray ee Bashaar Al-Asad. dad badan oo suuriyaan ah ayaa u arkaa ciidanka Ruushku inuu qayb ka ahaa dembiyaddii dagaal iyo Tacaddiyaddii ay ku eedaynayeen xukummaddii Madaxweeyne Bashar Al-Asad.

Sidoo kale waddamada reer galbeedka ayaa iyaguna diiddan joogitaanka ciidanka Ruushka ee waddanka suuriya. joogitaanka ciidanka Ruushka ee dalka Suuriya waxag mar walba ahaan doontaa hal xidhaale adag oo horyaalla xukuumadda cusub ee waddanka suuriya.

maraynaka iyo waddamada reer yurub iyo Turkey waxay ka soo horjeedaan joogitaanka ciidanka Ruushka ee waddanka Suuriya. xulufada reer galbeedku waxay rabaan dowlad suuriya leedahay oo ay iyaga daacad u ah isla markaasina dhabarka u jeedisa Iran iyo Ruushka.

WQ/Axmed Xasan Saalax

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post