X
    Categories: Warar

Mustaqbalka Qadiyada Somaliland Oo Lagaga Hadlay Baarlamaanka Britain Daawo

London(ANN)Kulan lagaga hadlay qadiyada Somaliland, ayaa lagu qabtay dhismaha Baarlamaanka Britain ee magaalada London, waxaana kulankaa oo ahaa mid muhiim ah ka qeybgalay Xildhibaano ka tirsan Baarlamanaka UK iyo xubno ka mida Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan cariga Ingiriiska.
Xubnaha ka socday Baarlamaanka UK eek a qaybgalay kulanka, waxa sidoo kale ka mid ahaa Mp. Steven Doughty oo ah mudane ka tirsan Xisbiga Shaqaalaha ee Labour Party, isla markaana laga soo doorto Cardiff South and Penarth.

Steven Doughty Mp Labour Party for UK and Busharo Bande Somaliland National TV Reporter, By. Araweelonews

Sidoo kale Mp. Kerry McCarthy oo ah mudane ka tirsan xibsiga Labour Party, isla markaana ugu magcaaban xisbiga Wasiirka arrimaha Dibadda (Shadow Foreign Affairs Minister for Labour Party) oo laga soo doorto magaalada Bristol , Mp. Gareth Thomas iyo Xubno kale oo ka tirsan baarlamaanka UK.
Madaxda iyo Hormuudka Jaaliyada Somaliland ee Magaalooyinka Dalka UK iyo Masuuliyiin ka tirsan Xukuumada Somaliland, ayaa kulankaa kaga wada hadlay arrimo baddan oo Muhiim u ah Qaranka iyo Qadiyada Somaliland iyo sidii loo Xaqiijin lahaa Gaadhitaanka Yoolka Ummada reer Somaliland ay Higsanayso ee ah Aqoonsi ay Somaliland ka hesho dunida, iyadoo dhinaca kalena xubnaha xisbiga Labour Party eek a qaybgalay kulanka ka dalbadeen shacbiga Somaliland ee ku dhaqan Britain, gaar ahaan deegamada laga soo doorto mudanayaashaa inay codkooda siiyaan marka la gaadho doorashada Baarlamaanka Britain oo loo qorsheeyay Jun 2015. Weriyaha Telefishanka qaranka Somaliland Bushaaro Baaday oo kulankaa ka dib Mudanayaasha Uk ee ka qaybgalay kulanka iyo Wakiilada Somaliland wax ka weydiinay, Halkan Ka Daawo Warkaa oo dhamaystiran Riix.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post