X
    Categories: Warar

Muslimiin Ku Dhimatay Weerar Lagu Qaaday Masjid Ku Yaal Dalka Kanada

Araweelo News Network


Quebec-Kanada(ANN)-Weerar lagu qaaday Masjid ku yaal magaalada Quebec ee dalka Kanada, ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac. Kaddib markii dablay weerartay Masjidkaa rasaas ku fureen dadkii ku cibaadaysanayay.

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan lix qof ku dhimatay weerarkaa, iyadoo siddeed kale dhaawacyo soo gaadheen dadkii ku jiray masaajidkaa oo ku yaalla magaalada Quebec ee dalka Kanada.

Rasaasta ayaa lagu furay Masjidkaa oo ku yaal Xarunta Dhaqanka Islaamka ee Quebec habeenimadii Axadda halkaas oo ay jameecaad ku tukanayeen salaad, booliiska ayaana xaqiijiyay geerida dadkaas, iyaga oo ula dhaqmaya sidii weerar argagixiso oo kale.

Saraakiisha Booliiska magaalada Quebec ayaa sheegay in ay xidheen labo qof, waxayna sheegeen in ay rumaysan yihiin in aanu jirin qof kale oo weerarkaas xidhiidh la lahaa oo ka baxsaday gacanta Booliska, iyagoo sheegay in goobtaasi ay ammaan tahay oo xaaladdu dagan tahay, isla markaana masaajidka ay ka soo daad gureeyeen Masjidka dad badan oo ku xanibnaa.

Afhayeen u hadlay Booliiska ayaa sheegay in aanay wax faahfaahin ku saabsan dadka la qabtay bixinayn inta ay baadhitaannadu socdaan.

Ra’iisalwasaaraha Dalka Kanada, ayaa weerarka ku tilmaamay mid “argagixiso”, wuxuuna sheegay inuu aad uga naxay, ugana cadhooday markii uu maqlay weerarkaas.

Dhinaca kale Qof goobjooge ahaa, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in saddex qof oo hubaysan ay ka qaybqaateen weerarkaa, isla waxay ku warantay Reuters in ay masaajidka ay galeen Boolis hubaysan oo soo gaadhay goobta.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post