X
    Categories: Warar

Musharaxa Madaxweynaha Ee Xisbiga WADDANI Oo Kumanaan Qof Salaadii Roob-doonta Kula Tukaday Garoonka Kubadda Cagta Hargeisa Stadium

Araweelo News Network


Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa saaka boqolaal ka mid ah dadweynaha magaalada Hargeysa salaad roob doon ah oo Alle gacmaha looggu hoos hoorsanaayo in uu raxmaadkiisa u shubo dadka abaarahu saameeyeen ee Somaliland kula tukaday garoonka weyn ee Hargeysa Stadium.


Salaadan Roob-doonta ah oo ahayd mid laga oogayey guud ahaan dalka, ayaa Garoonka Hargeysa Stadium, waxa soo buux dhaafiyey boqolaal ka mid ah shacabka magaalada Hargeysa oo ay salaadaas la tukanaayeen qaar ka mid ah madaxda Qaranka oo uu ugu horreeyo guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), wasiirka wasaaradda diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil, xubno ka mid ah wasiirada Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, Culimaa-uddiin, Madaxdhaqameed iyo shacab aad u tira badan.
Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Somaliland Sheekh Cabdillaahi Axmed oo tukiyey salaadii Roob-doonta ahayd sida oo kale na halkaas kala hadlay, ayaa Alle ka baryey in uu Raxmaadkiisa u shubo dadka dhibabateysan ee ay abaarahu hayaan, waxaana uu u soo jeediyey dhammaanba umadda reer Somaliland in ay is wada saamaxaan oo mid ba midka kale uu raali-geliyo si uu Alle ugu soo naxariisto.
Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa isna dhankiisa waxa uu si naxariiste Eebe uga baryey in uu u soo naxariisto umaddiisa Islaamka ah, isla mar ahaantaana uu Raxmaadkiisa uu u soo shubo dadka dhibabateysan ee ay abaarahu saameeyeen, isaga oo dhanka kale na ka codsaday dhammaan ba shacabka Somaliland in ay ducada iyo Alle bariga ba badiyaan oo ay joogteeyaan inta uu Eebe u soo shubaayo Raxmaadkiisa.

Waaxda Warfaafinta WADDANI
Hargeysa,Somaliland

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post