X
    Categories: Warar

Murrashaxiinta Madaxweynaha Iyo Ku Xigeenka Ee UCID Oo Si Weyn Loogu Soo Dhoweeyay Magaalada Laascaanood

Araweelo News Network

murrashaxiinta UCID Sool

Laascaanood(ANN)-Murrashaxiinta jagada  Madaxweynaha Iyo ku xigeenka Xisbiga UCID Egn Faysal Cali Waraabe iyo Prof. Axmed Cabdi Muuse Abyan, ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay Xarunta Gobolka Sool Ee Laascaanood .

Eng. Faysal Cali Waraabe Iyo wefdiga uu hoggaaminayo oo maanta ku guda jiray maalintii lixaad ee Ololaha doorashada Madaxtooyadda, ayaa  Fagaaraha khyaryada Magaalada Laascaanood khudbado kala duwan ka jeediyay, iyadoo boqolaal qof oo ay  ka mid yihiin Madax-dhaqameedka Gobolka Sool isugu soo baxeen.

Murrashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo halkaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanysaa  ka Jeediyay,ayaa  Bulshada ku dhaqan Gobolka Sool ugu baaqay in ay kala doortaan Wasiir iyo Madaxweyne .

Sidoo kale Murashaxa Faysal ayaa soo bandhigay barnaamijka Siyaasiga ah ee Xisbigu dalka ku hoggaaminayo haddii uu ku guulaysto doorashada, wuxuuna farta ku fiiqay hagardaamoyin uu sheegay in Xisbiyada qaar la damacyihiin qaranka Somaliland .

Ugu dambayn Murashaxa Faysal Cali Waraabe ayaa bulshada Gobolka Sool ugu baaqay in ay doortaan Xisbiga UCID oo astaan u ah Midnimada Somaliland .

Murrashaxa Madaxweyne ku Xigeen Ee UCID Prof Axmed Cabdi Muuse Abyan oo halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in Xisbiyada kale aanay keeni Karin is beddel, oo hore loo tijaaabiyay .

Qaar ka mid ah Madaxdhaqameedka Sool oo ka hadlay halkaa, ayaa sheegay in Xisbiga UCID yahay Xisbiga qudha ee aan lagula tartamayn Gobolka Sool Maadaama Murashaxa Madaxweyne ku Xigeen uu ka soo jeedo Gobolka Sool .

Sidoo kale Madax-dhaqameedku waxay sheegeen in aanay kala dooranayn Wasiir ay xukuumadii timaadaaba ku qasbantahay in ay u magacawdo iyo Madaxweyne, waxaanay sheegeen in Bulshada ku abtirsata Gobolka Sool dhamaantood ay taageersanyihiin Xisbiga UCID .

 

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post