Araweelo News Network
Laascaanood(ANN)-Murrashaxiinta jagada Madaxweynaha Iyo ku xigeenka Xisbiga UCID Egn Faysal Cali Waraabe iyo Prof. Axmed Cabdi Muuse Abyan, ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay Xarunta Gobolka Sool Ee Laascaanood .
Eng. Faysal Cali Waraabe Iyo wefdiga uu hoggaaminayo oo maanta ku guda jiray maalintii lixaad ee Ololaha doorashada Madaxtooyadda, ayaa Fagaaraha khyaryada Magaalada Laascaanood khudbado kala duwan ka jeediyay, iyadoo boqolaal qof oo ay ka mid yihiin Madax-dhaqameedka Gobolka Sool isugu soo baxeen.
Murrashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo halkaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanysaa ka Jeediyay,ayaa Bulshada ku dhaqan Gobolka Sool ugu baaqay in ay kala doortaan Wasiir iyo Madaxweyne .
Sidoo kale Murashaxa Faysal ayaa soo bandhigay barnaamijka Siyaasiga ah ee Xisbigu dalka ku hoggaaminayo haddii uu ku guulaysto doorashada, wuxuuna farta ku fiiqay hagardaamoyin uu sheegay in Xisbiyada qaar la damacyihiin qaranka Somaliland .
Ugu dambayn Murashaxa Faysal Cali Waraabe ayaa bulshada Gobolka Sool ugu baaqay in ay doortaan Xisbiga UCID oo astaan u ah Midnimada Somaliland .
Murrashaxa Madaxweyne ku Xigeen Ee UCID Prof Axmed Cabdi Muuse Abyan oo halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in Xisbiyada kale aanay keeni Karin is beddel, oo hore loo tijaaabiyay .
Qaar ka mid ah Madaxdhaqameedka Sool oo ka hadlay halkaa, ayaa sheegay in Xisbiga UCID yahay Xisbiga qudha ee aan lagula tartamayn Gobolka Sool Maadaama Murashaxa Madaxweyne ku Xigeen uu ka soo jeedo Gobolka Sool .
Sidoo kale Madax-dhaqameedku waxay sheegeen in aanay kala dooranayn Wasiir ay xukuumadii timaadaaba ku qasbantahay in ay u magacawdo iyo Madaxweyne, waxaanay sheegeen in Bulshada ku abtirsata Gobolka Sool dhamaantood ay taageersanyihiin Xisbiga UCID .