X
    Categories: Warar

Murrashaxiinta KULMIYE Oo Loogu Dhawaaqay Natiijada Doorashadda Iyo Tirooyinka Ay Saddexda Xisbi Kala Haleen

Araweelo News Network

Murrashaxa KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo codkiisa dhiibanaya 13 Nov 2017

Hargeysa(ANN)-Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadda Madaxtooyadda Somaliland sidii ay codadka u kala heleen saddexda Xisbi, waxaana loogu  dhawaaqay guusha natiijada Murrashax Muuse Biixi Cabdi oo u sharaxnaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici. kadib markii si toos ah Natiijada doorashadii Madaxweynaha ee dalka Ka qabsoontay Isniintii 13 Nov 2017 lagu dhawaaqay galabta.

Guddoomiyaha Komishanka Qaranka, ayaa ku dhawaaqay in Murrashaxiinta KULMIYE ku guulaysteen doorashadda Madaxtooyadda, kadib markii ay heleen 305, 909, (sadex boqol iyo shan kun sagaal boqol iyo sagaal) oo u dhiganta dadkii codeeyay 55.19 %, iyadoo KULMIYE ku guulaystay codad tiradoodu  tahay 79,817 (toddobaatan iyo sagaal kun, siddeed boqol iyo toddoba iyo toban cod).

Halka Xsibiga WADDANI uu helay 226,092 (Laba Boqol iyo labtaan iyo Lix kun iyo sagaashan iyo Lix cod) oo dhiganta 40. 73%.

Xisbiga UCID, ayaa helay 23, 141 (saddex iyo labaatan kun boqol iyo Afartan iyo Kow cod) oo u dhiganta 4.17%.

Komishanka ayaa sheegay inay codeeyeen 565, 617, waxaana xumaaday 1475 oo u dhiganta 1.85%., waxa ansaxay 555, 142 cod oo u dhiganta 98.15%.

Komishanku wuxuu sheegay in 1642 goobood oo loo qoondeeyay doorashaddu ay ka dhacday marka laga reebo 5 goobood ee la tirtiray sababo farsamo, kadib markii laga waayay sataamihii shuruuda sharciga doorashadda, waxaana lasoo celiyay hal sanduuq oo aan wax cod ah lagu ridin oo sidiisii loo soo celiyay iyo saddex goobood oo sababo amni aan loo geyn sanaaduuqdii.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post