Araweelo News Network
Hargeysa(ANN)-Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadda Madaxtooyadda Somaliland sidii ay codadka u kala heleen saddexda Xisbi, waxaana loogu dhawaaqay guusha natiijada Murrashax Muuse Biixi Cabdi oo u sharaxnaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici. kadib markii si toos ah Natiijada doorashadii Madaxweynaha ee dalka Ka qabsoontay Isniintii 13 Nov 2017 lagu dhawaaqay galabta.
Guddoomiyaha Komishanka Qaranka, ayaa ku dhawaaqay in Murrashaxiinta KULMIYE ku guulaysteen doorashadda Madaxtooyadda, kadib markii ay heleen 305, 909, (sadex boqol iyo shan kun sagaal boqol iyo sagaal) oo u dhiganta dadkii codeeyay 55.19 %, iyadoo KULMIYE ku guulaystay codad tiradoodu tahay 79,817 (toddobaatan iyo sagaal kun, siddeed boqol iyo toddoba iyo toban cod).
Halka Xsibiga WADDANI uu helay 226,092 (Laba Boqol iyo labtaan iyo Lix kun iyo sagaashan iyo Lix cod) oo dhiganta 40. 73%.
Xisbiga UCID, ayaa helay 23, 141 (saddex iyo labaatan kun boqol iyo Afartan iyo Kow cod) oo u dhiganta 4.17%.
Komishanka ayaa sheegay inay codeeyeen 565, 617, waxaana xumaaday 1475 oo u dhiganta 1.85%., waxa ansaxay 555, 142 cod oo u dhiganta 98.15%.
Komishanku wuxuu sheegay in 1642 goobood oo loo qoondeeyay doorashaddu ay ka dhacday marka laga reebo 5 goobood ee la tirtiray sababo farsamo, kadib markii laga waayay sataamihii shuruuda sharciga doorashadda, waxaana lasoo celiyay hal sanduuq oo aan wax cod ah lagu ridin oo sidiisii loo soo celiyay iyo saddex goobood oo sababo amni aan loo geyn sanaaduuqdii.