Araweelo News Network
Hargeysa(ANN) – Murrashaxa Xisbiga WADDANI, Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa Ka haflay Colaadda ka aloosantay deegaanka Buuhoodle ee u dhaxaysa qayb ka mid ah deegaanka.
Qoraal kooban Oo Guddoomiye Cirro kasoo saaray arrintaas wuxuu ugu baaqay Labada dhinac in ay joojiyaan dagaalkaa oo sida uu sheegay la isku adeegsaday hub wixii ay heli karayeen labada dhinac, Isla markaana ay ku dhinteen dad tiradooda lagu qiyaasay lix qof halka ay dhaawacyo ka soo gaadheen tiro intaa ka badan.
Murrashaxa xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Ciro waxa uu ugu baaqay labada dhinac ee dagaalku ku dhex maray deegaanka Buuhoodle inay xabada iyo dagaalka joojiyaan oo ay soo celiyaan caqliga iyo nabadgalyada, dagaalkana dad ku dhinta mooyaane aanu dheef lahayn, ayuu Yidhi.
Murrashaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo colaadda ka hadlaya, wuxuu yidhi, “Waxaan ugu baaqayaa shacbiga walaalaha ah ee degan deegaanka ask in nabadgalyada laga wada-shaqeeyo, walaalnimada la soo celiyo, colaada la joojiyo, dagaalka la joojiyo, dagaal wax inagaga dhinta mooyaane wax inagu soo kordhin maayo.” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Ciro.